Tirakoobka Soomaalida ku nool ama deggan dalkan Switzerland oo la sheegay inay dhan tahay 5140 qof.

Soomaalida Switzerland

Halkaan ka akhri

Machadka Baarista iyo Tirakoobka Dadweynaha (Statistisches Amt ) ayaa waxa uu soo bandhigay cilmi baaris uu  ku sameeyay 25 jaaliyadood oo ku nool wadankaan Swisska.

Cilmi baaristan ayaa loogu dan lahaa u kuur gelidda xaaladda nolosha wadankaan Swisska, hase ahaatee waxaa Cilmi baaristan ay si gaar ah ugu kuur gashay kaalinta jaaliyaduhu ee dalka swisska.

Inkastoo Soomaalida  ay tahay qowmiyada tiro ahaan ugu badan ee ku nool Kanton Zürich oo Afrikaan ah, balse aysan dhinaca dhaqaalaha wax badan oo la sheega ku soo kordhinin wadankaan.

Sanadihii ugu danbeeyey arimaha dadka u soo haajiray wadankan, culeyska ama faa’idada ay u leeyihiin dhaqaalaha wadankaan ay ahaayeen arimo dood badan ka jirtay.
 
Soomaalida ku nool dalkaan ayaa lagu tiriyaa in ay intooda waxtarka leh ay yimaadeen horaantii sagaashameeyadii oo ka qeyb qaatay dhinaca shaqada iyo is-dhexgalka.

Waxaa jira sanadihii 1991/2dii, dowladda dhexe swisska aysan tixgelin xoog leh siinin soomaalida xilligaas timid, balse Swissku uu go’aan ku gaaray in soomaalida la siiyo sharciga vorläufige Aufnahme (F).
 
Waxaana  soomali badan xiligaas dib uga haajireen  dalkaan swisska ayagoo ka doorbiday inay aadaan wadamada bixiya sharciyada lagu socdaala iyo waxbarashada.

Dhinaca kale waxaa jiray soomaali badan oo iska nasiibsaday ama ka doorbiday inay iska illoobaan safarada ee ay isaga noolaadaan dalkan Swisska, inta ay dalkooda nabd ka noqonaayo.
 
Hadaba dalkaan Switzerland Soomaalida degan waxaa lagu sheegay tirakoobka iminka soo shaac baxay inay Joogaan dalkaan 5140 qof oo 1614 qof waxay haystaan sharciga Aufentahaltbewiligung(B) iyo Niderlasung (C), balse tirada uga badan oo ah 3526 qof, waxayna haystaan (F), waxaa kaloo jira kuwa weli aan go,aan laga gaarin ee ku jira Xerooyinka qaxootiga ee dalkan.
 
Warbixin la soo saaray sanadkii 2006, ayaa lagu sheegay in 203 qof ay qaateen dhalashada swisska iyadoo isla sanadkii tagay ee 2007 uu kordhay qaadashada dhalashada swisska oo noqotay 334 qof, waxaana la filaya sandka iminka lagu jiro in uu laba jibaarmo qaadshada dhalshada swisska.
 
Waxaan soomali badani ay si wacan ula qabsadeen nolosha wadankaan swisska halka qaarkoodna ay xildhibaano matala Ajnabiga ka noqdeen goballada qaar, halkaa qaarkoodna ay isu soo sharxeen xildhibaabno gobaledyo, taasi waxaa lagu gaaray is dhexgalka aanu la samaynay bulsha weeynta kale ee dalkaan degan,annagoon ka tagin diinteenna iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida leedahay.

 SomaliSwiss Radio

 

W.Q Mustaf Bashir Gobdon

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: