Mr. Ghanim Alnajjar
Halkaan ka akhri
Sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee dalka Soomaaliya Mr. Ghanim Alnajjar, ayaa si kulul u cambaareeyay Xasuuqii toddobaadkan loo geystay dadkii rayid ahaa ee magaalada Muqdisho.
Mr. Ghanim Alnajjar waxa uu sheegay inuu helay warbixin sheegeysa in la dilay in ka badan 80 qof oo lagu dilay dagaalkii dhex maray ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaaliyeed ee kacdoonka wada.
Waxaa uu walaac weyn oo qaas ah ka muujiyay dilalkii loo geystay ragii culumada ahaa, laguna dilay masaajid ku yaala Magaalada dhinaceeda waqooyi ee lagu magacaabo Al-Hidaaya.
Mr. Ghanim Alnajjar ayaa ku baaqay in arintaasi lagu sameeyo baaritaan caalami ah oo madax banaan.
Dadka deegaanka ah ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in ciidamada Ethiopia in ay laayeen dadkaasi culamada ahaa.
Ciidamada Ethiopia ayaa dhowaan Masaajidka Al-Hidaaya ku qowracay culumo Soomaaliyeed oo caan ahaa, iyagoo kuwa kalena horey u kaxeystay.
SomaliSwiss Muqdisho
Â
Â
Â
Â
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.