Jaamacada Carabta oo Canbaareeysay Xasuuqii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna baaqday in Ethiopia laga saaro Soomaaliya.

Xarunta Ja. Carabta

Halkaan ka akhri

Xafiiska Ururka Jaamacada Carabta oo hadal Qoraal ah ka soo saaray Tacadiyadii ka dhacay dalka Soomaaliya, ayaa  waxay Beesha Caalamka ugu baaqday in Ethiopia ay Ciidamada ka saarto Soomaaliya isla markaana La baaro xasuuqii dhawaantan ka dhacay iyo kuwii ka horreeyeyba.

Qoraalkan oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Jaamacada Carabta Caamir Muusaa ayaa wuxuu  isugu jira Canbaareeyn Xasuuqii ka dhacay Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyadoo qoraalku uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay u istaagaan sidii Ciidamada Ethiopia looga saari lahaa soomaaliya.

.Balse qoraalkan ayaa lagu caddeeyeyy in Xal u helidda arrinta Soomaaliya ay ka horeeyso in ciidamada Ethiopia laga saaro soomaaliya si loo furo Wada hadalo dib u heshiisiin waarta oo la dhexdhiga kooxaha Mucaaradka ah iyo dowladda KMG ah,si  nabad loogu soo dabaalo Soomaaliya.

Sidoo kale  Gudoomiyaha Barlamaanka Wadama Carabta oo Xaruntoodu tahay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar mudane  Gazim Maxamed Al-Saqar oo isna soo saaray qoraal kale ayaa wuxuu ku yiri. “Waa in si deg deg ah looga Saaraa Ciidamada Ethiopia Gudaha wadanka Soomaaliya si loo baadi goobo xal u cuntama Umaadda soomaaliyeed   isla markaana ay u xalistaan  khilaafaadka dhexdooda ah”..

 Hase yeeshee Mudane Al-saqar ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inay Ethiopia ka saaraan Soomaaliya isagoo carabaabay in joogitaanka Itoobiya ee Gudaha Soomaliya uu Caqabad ku tahay horumar laga gaaro Arrimaha soomaaliya isagoo ugu baaqayna Soomaalida inay isugu yimaadaan shir ay ka soo qeyb galayaan dhaamaan Siyasiyiinta iska soo horjeeda,Odayaasha Dhaqanka iyo weliba Wakiilada Bulshda rayidka ah.

Si kasta ha ahaatee bayaankan Maanta ka soo baxay Xarunta Ururka Jaamacada Carabta iyo Ethiopia ay Ceyrisay Diblomaasiyiinta reer Qadar ee joogay Addis-ababa ayaa waxaa la saadaalinayaa in Waddamada Carabta ay  Xiriirka u gooyaan dalka Ethiopia .

SomaliSwiss  Qaahira-Masar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: