Dhaqaatiirta University dental Hospital of Kenya oo ku guulaysatay qalliinku buradii weyneed ee Cibado Jamac la dhibeysneyd.

Qalliinka Cibaado

Daawo Sawiro kale

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay University Hospital of Kenya ayaa sheegay in Dhaqaatiirtii fulinaysay qalliinkii Cibaado Maxamud Jaamac ay markii ugu horeysay lagu guuleeystay qaliin looga sameeyay buro weyn oo qarisay wejigeeda iyo dhuunteeda,taas oo mudo badan ka laalaaday. 

Hase ahaatee dhaqaatiirtii qaliinka ku sameeyneysay Gabadha Soomaaliyeed ayey walaac ka muujiyeen suurtagalnimada in buradan weyn ay ka jarayaan, waxaana qaliinkeeda ka hor looga quraan akhriyay mashaa’iqda Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool,in ilaaheey u fududeeyo qalliinka lagu sameeynayo Cibaado Maxamed Jaamac.

Qalliinkan ayaa socday sida la soo sheegay muddo lix saacadood ah, waxaana markii laga jaray saacadood kadib Weriyaasha loo ogolaaday inay galaan qolka Saaladda ee lagu qalayay Cibaado Jaamac.

Sidoo kale dhaqaatiirta qaliinka fulisay ayaa ku tilmaantay wax laga muraalo dilaacay buradda weyn ee laga jaray gabadha Soomaaliyeed, iyagoo caddeeyey inay tahay imtixaan alle, oo mudan in eebbe loogu noqdo, lagu shukriyo guusha laga gaaray.

Warku wuxuu intaa raaciyey in Warbaahinta loo fasaxay inay ku soo booqdaan gabadha Soomaaliyeed qolka ay ka deggen tahay Cisbitaalka, waxayna gudoonsiiyeen lacago deeqa oo ay isaga bixiso jiifka Isbitaalka, dawooyinka loo qorayo maalmaha ugu horeyso maadama qaliinkeeda ku baxday lacag aad u fara badan oo laga aruuriyay shacabka Soomaaliyeed, qaarna weli deyn loogu leeyahay.

Si kasta ha ahaatee dadkii soo booqday Cibaado Jaamac ayaa sheegay in muuqaalkeeda durba isu bedelay weji yar inkastoo ay u baahan tahay dawooyin xoogan oo dhinaca neerfaha ka caawiya iyo sidoo kale inay Isbitaalka jiifto mudo si loola socda Xaaladeeda Caafimaad.

Tani waa farxad iyo guul ay horseedeen bulshada samaha jecel, waxaana mahadnaq mudan dhaqaatiirtii qaliinka sida hagar la’aantaa u fuliyay.

Haddaba hadii aad dooneysid, inaad wax ka bixisid deymaha lagu leeyahay Cibaado ee dhinaca Isbitaalka u dir kaalmadaada, lana xiriir Hassan Omar Mohamed ,tel:-00254722581728 Nairobi-Kenya

SomaliSwiss Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: