Xohayaha guud ee QM. oo sheegay in uu aad uga wal-walsan yahay dagaalada ka socda Soomaaliya.

Ban Ki-Mon

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Mon ayaa sheegaya inuu si aad ah uga wal-wal  qabo dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, oo ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ku dileen ugu yaraan 81 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof labadii maalin ee ugu dambeysay sida ay soo tabiyeen hay’adaha xuquuqul insaanka iyo waliba isbitaalada kala duwan ee Muqdisho.
Mudane Ban Ki-moon ayaa ugu Baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya in ay san adeegsan oo ay mamnuuc tahay “awooda aan loom eel dayin iyo duqeymaha” waxaana uu sheegay in beegsiga dadka shacabka ah ay tahay ku tumasho qawaaniinta dowliga ah.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa si aad ah uga hadleen Warbaahinta Caalamka, sida ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay uga geysteen xasuuq arxan daro ahi magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ay kula kaceen Culimaa’udiin,macallimiin iyo ardeydii Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Muqdisho,falal ka mid ah, gowrac, dil iyo qafaalasho.

Balse hadalka ka soo yeeray Q.M ayaa ah mid ay wax talaabo cad ah ka qaadi karin, waayo  ma ahan markii ugu horreysay oo ay xasuuq iyo tacadiyo ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ka geystaan Soomaaliya, balse waxay maalgalin buuxda siisaa Ciidamada sharciyaynaya kuwa gumeysiga Ethiopia iyada oo u soo marsiinaysa Ururka Midowga Afrika.

SomaliSwiss  Washinton

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: