Isbahaysiga
Halkaan ka akhri
Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha xaquuqal-isnaanka inay ka hadlaan xasuuqa maalmihii la soo dhaafay loogu geystay bulshda Soomaaliyeed magaalada muqdisho, gaar ahaan gawraca iyo dilka ay ciidamada Ethiopia u geysteen dadkii ku cibaadeysanayey gudaha masaajidka Al-hidaaya.
Sidoo kale waxaan ugu yeeraynaa inay ka hadlaan xasuuqa baahsan ee ay geysanayaan ciidamaasi iyagoo u adeegsanaya taangiyo iyo hub casri ah dad shacab ah oo aan hubeysnayn oo ku sugan guryahoodii iyo goobahaha lagu cibaadeysto.
Isbahaysiga waxa uu ugu baaqayaa Ururka Islaamka, Jaamicadda Carabta, Midawga Yurub iyo Midawga Afrika inay masuuliyadda akhlaaqiga iyo tan qaanuuninga ah ee ka saaran shacabka Soomaaliyeed gutaan kana baxaan ka indha laabashada xasuuqa, barakicinta, qafaalashada iyo burburka joogtada ee lagu hayo shacabka aan waxba galabsanin ee lagu soo duulay diintooda, dadnimadooda iyo dalkooda.
Isbahaysigu waxa uu xubnaha Golaha ammaanka ugu baaqayaa inay ka fadhiistaan falalka waxshinimada ah ee foosha xun ee ciidamada Ethiopia ka wadaan gudaha Soomaaliya go’aan ku haboonna ka soo saaraan.
Ugu dambeyntii Isbahaysiga waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay gacmaha isqabsadaan cadwgoodana meel uga soo wada jeestaan ogaadaanna inaysan dalka ka jirin dawlad matasha ee waxa jira waa cadaw iyo cadaw kalkaal.
Xafiiska warfaafinta Isbaheysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya
Â
Â
Â
Â
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.