Doonida Spain
Hoos ka Eeg Warkii oo English ah
Halkaan ka akhri
Wakaladda Wararka ee dalka Spain ayaa waxay faafisay in dowladda waddan Spain ay ka codsatay Dowladaha Maraykanka, Faransiiska iyo gaashaanbuurta NATO, in ay gacan ka gaystaan soo afjaridda xiisadaha ka aloosan Xeebaha Dalka Soomaaliya ee geeska Africa, maalmo ka dib markii kooxo burcad badeed Soomaali ah ay ku khafaasheen xeebaha Soomaaliya, dooni laga lahaa dalka Spain iyo 26 ka mid ah shaqaalaha doontaasi.
Nin u hadlay Wasaarada Gaashaandhigga ee Spain, ayaa sheegay in markab nooca militariga ah uu ku sii jeedo haatan xeebaha wadanka Somalia, si uu u soo furto doonidaasi nooca kaluumeysiga ah ee laga leeyahay Dalka Spain, taasi oo lagu haysto xeebaha wadanka Somalia.
Wararka laga helayo xaaladda Doonta la afduubtay ayaa sheegaya inay kooxahii burcad Badeedka Soomaalida ah ay la beegsadeen rasaas xooggan, taasi oo dhaawac u geysatay qaar ka mid shaqaalihii saarnaa Doontaas.
Ra’iisul wasaare k/xigeenka dalka Spain, Maria Teresa Fernandez, oo shir isugu yeertay Golaha Wasiirada ee wadanka Spain, oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada Miguel Angel Moratinos, ayaa sheegtay in kulankooda ay iskula soo qaadeen in Dowladaha Caalamka ay ka codsadaan sidii ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen sii deynta doonidaasi.
Codbaahiya Wasaaradda Difaaca dalka Spain, ayaa sheegay in ay caawimaad weydiisteen Dowladaha France iyo Mareeykanka, oo ay ciidamadooda haatan ku sugan yihiin Xeebaha Dalka Somalia, si loosoo badbaadiyo doonida iyo shaqaalaha saaran.
Wasaaradda Gaashaandhigga Spain ayaa sheegtay in ay xiriir la sameeyeen Gaashaanbuurta NATO, iyagoo ka dal;baday ka qayb-qaadashada sii deysmada Doonidooda.
Waxaa kaloo lagu soo warramayaa in Markab Shidaal siday oo laga lahaa Dalka Japan, ayaa kooxo Burcad Badeed Soomaali ah, maalintii shalay aheyd waxa ay ku weerareen xeebaha Soomaaliya,balse waxaa nasiib wanaag ah inuu ka baxsaday markabkaas, ha yeeshee waxaa la sheegay inay ceersanayeen muddo saacado ah.
 Warar kale ayaa sheegaya maanta la afduubtay Dooni laga leeyahay dalka Emaraatka,balse ay badbaadiyeen Ciidamada Amniga ee Puntland.
SomaliSwiss Bosasso
Â
 Spain says pirates hijack fishing boat off coast of Somalia
Â
The Spanish Embassy in Kenya, which has responsibility for Somalia, has begun “contacts with authorities in the area,” the ministry said in a statement released Sunday night.
The Spanish Defense Ministry has contacted countries that have a military presence in the region to seek their help in finding the fishing boat, the ministry said.
Earlier this month Somali pirates seized a French luxury yacht and held 30 people aboard hostage for a week. They were freed in apparent exchange for a ransom payment. French troops captured six of the pirates on April 11 on land in Somalia.
Â
Â
Â
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.