Dowladda Ethiopia oo xiriirka Siyaasadeed u jartay dowladda Qadar, kadib markii ay ku eedeysay in ay taageerto…

Ethiopia & Qadar

Halkaan ka akhri

 

Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday in ay xiriirka Siyaasadeed u jarayso dalka Qadar, iyada oo ku eedeysay dalkaasi in uu taageero kooxaha hubeysan ee ka dagaalamaya Soomaaliya iyo kililka Shannad intaba.

Dowladda Ethiopia ayaa ku qeylisay xiriirka xooggan ee dowladda Qadar ay la leedahay dalka ay Ethiopia isu cadaaweystaan ee Eritrea iyo taageero ay sheegtay in dowladda Qadar ay siiso kooxaha ka dagaalamaya gudaha Ethiopia iyo kuwa ciidamada Ethiopia kula dagaalama magaaladda Muqdishu ee dalka Soomaaliya.

“Dowladda Ethiopia waxay go’aansatay in ay xiriirka u jarto dalka Qadar” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia oo qeyb ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka ee AFP.

“Ethiopia haddii ay Soomaaliya iyo meela kale oo ka mid ah geeska Afrika ay ku jirto gudaheeda, Dowladda Qadar waxay taageero muhiim ah ay siisaa Argagixisinimadda iyo xag jirnimadda socota, ayay tiri Ethiopia.

Hadalka maanta ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Qadar in ay u adeegsato warbaahinteeda majaxaabinta Ethiopia, iyada oo Ethiopia si gaar ah ay farta ugu goday kana qeylisay telifishinka caalamiga ee Aljazeera ee fadhigiisu yahay magaaladda Dooxa ee dalkaasi Qadar.

Sidoo kale dhowaan ayey aheyd markii dowladda Ethiopia ay xiriirka Siyaasadeed u jartay dowladda Norway oo ay ku eedeysay in ay taageerto kooxaha kadagaalama gudaha Ethiopia, iyo dowladda ay isku xun yihiin ee Eritrea.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: