Culimada Al Tabliiq oo ka hadlay Xasuuqii Ethiopiyaan-ka ay ka gaysteen Masaajidka Al Hidaaya.

Dhaqdhaqaaqa Al-Tabliiq

Halkaan ka akhri

Warka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Diimeyd ee Al-Tabliiq ee Culuma’udiinka Masjidka Al-hidaaya ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatadii ka dhacaday Masjidkas ay tahay Weerar lagu soo qaaday diinta islaamka, xili Ciidamada IEthiopia ay xasuuq u geystay Culimadaas iyo dad kale oo rayida.

Masjidka Al Hidaaya ee Degaanka waxar Cadde ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopiaa ay ku goowraceen Culaamaa’udiin ka tirsanaa Jameecada Masjidkasi iyo dad farabadan oo deegaanka ah  oo Gaarayay 20 Qofood, kuwaas oo 11 ka mid ah lagu goowracay Iridk Hore ee Masjidkasi halka qaar kalena ay ciidamada Itoobiya ku toogteen Agagaarka Masjidka Al Hidaaya.

Qof ka mid ah Jameecada Tabliiqa ee Masjidka AL Hidaayaa ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ay  dad Rayid ah ku xasuuqeen Deeganka waxar Cadde gudaha Masjidka Al Hidaayana ay kala soo bexeen Dadkii ay ku goowreceen Iridka Masjidka mid ka mid ah wadaad Caanka ahaa Jameecada Tabliiqa Laguna Magaacaabi Jiray sheikh Siciid Yaxye.

Warku wuxuu kaloo intaa raaciyay in weerarkii ay ciidamada Ethiopia ay ku soo qaadeen Masjidka Al Hidaaya wuxuu ahaa mid ay ku soo qaadeen Diinta Islaamka isla markaana ay ku doonayeen in ay ku wax yeeleeyaan Goobaha lagu barto diinta islaamka ama Lagu fidiyo diinta.

Si kasta ha ahaatee Wadaadada  Lagu goowracay Masjidka Al Hidaaya ayaa waxaa si weyn uga xumaaday qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaliyeed iyo Siyaasiyiinta dalka qaar kood.

 

SomaliSwiss  Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: