Magaalada London oo 25/4/2008, ka dhaci doono xaflad furitaan Taleefishin cusub oo loogu magac daray “Raad International“.

 

Tvga Raad International

Halkaan ka akhri

Dad badan oo Soomaali ah waxay in mudo ahba hadal hayeen furitaanka Taleefishin ku hadla afka Soomaaliga, barnaamijyadiisana gaarsiin kara dhamaan daahafaha dunida iyo deegaanadda ay ku dhaqan yihiin dadka ku hadla afka Soomaaliga. 

Ayadoo ay dhici karto in Taleefishino badan la furi karo ayaa haddana dadka Soomaaliyeed waxaa ay u baahi qabeen taleefishin tayeysan kuna shaqeeya, hufnaan, dhex-dhexaadnimo, run iyo u adeega dannaha ummdda Soomaaliyeed.  

Maalinta jimcaha oo ku beegan 25/4/2008 waxaa lagu qabanayaa galbeedka London xafaladii furtitaanka Taleefishinka cusub ee Raad-International, xafladdaan oo siweyn loosoo agaasimay waxaa lagu martiqaaday, ganacsato,siyaasiyiin, aqoonyahano, iyo dadka laf-dhabarka u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingriiska, waxaana looga soo qeybgalayaa hab martiqaad ah.     

Haddaba taleefishinka Raad-Intenational oo ah taleefishin ay fikiradiisa leeyhiin aqoonyahanno iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa in mudo ah oo kor u dhaafaysa afar-sanadood, waxaa laga shaqeynayey sidoo loo taabo gallin lahaa Tv la jaanqaadi kara baahida ay dadka Soomaaliyeed u qabaan taleefishin tayeysan.

Taleefishinka ayaa hadda waxaa uu gudbay marxaladdii uu hawada gali lahaa wuxuuna si toos ah hawada u galayaa 2-da bisha May oo ka dhimantay maalmo qura, taleefishinkaan ayaa waxaa ka hawlgali doona weriyeyaal sumcadd iyo qadarin ku dhex leh ummdda Soomaaliyeed, sifiican u garanaya xirfadda iyo mihnnada saaxaafadda.

Hase ahaatee waxaa illaa iyo hadda la hubaa inay la jaanqaadi doonaan furitaankiisa weriyeyaasha ka ah:- Axmed Xasan Cuuke, C/salaan Hareeri, Maxamed Ducale, Maxamud Dalmar, C/shakuur Cali Mire, Cali Axmed Rabi, C/xaafid iyo Amran. 

Barnaamijyadda uu ummadda Soomaaliyeed ugu talagalay ayaa waxaa ay ka kooban yihiin, diin, siyaasad, suugaan, wacyi-galin, taariikh, warar, imw. Balse taleefishinkan ayaa yeelan doono hab faafreeb oo lagu illaaliyo tayadda iyo sumacada Taleefishinka.

   

Haddab Taleefishinka oo hawada galaya labada bisha May ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Afrika iyo carabaha waxa ay ka daawan doonaan. Frequency: 3551 Horizontal Symbol rate: 1333 FEC: 3/4 Transponder: 4GL.

Waxaa sidoo kale maamulka taleefishinka xaqiijiyey inay bisha June hawda galin doonaan qeybta Yurub oo markaas laga daawan doonno dalalka Yurub oo dhan. balse bisha may laga daawan doonaa dalalka ku yaala Afrika, Carabata iyo Australia. 

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: