Mudaaharaadkii Zurich
Halkaan ka akhri
Kumaanaan kun qof oo isugu jira Jaaliyadaha dadka Ajaanibka oo ay wehliyaan Dhaqdhaqaaqyada iyo Hay’adaha u dagaallama xaquuqda Aadanaha oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 3500 qof.
Dadkan ayaa ka dacwoonayey sharci la’aanta ay ku joogaan iyo nolol xumida ay ugu nool yihiin dalkan Swiss-ka, waxayna doonayaan inay helaan xaqqa joogitaanka qaxootinnimo maadaama waddamadooda ay ugu soo carrareen dagaallada,Siyaasad xumida, Gaajada, Isir-fuquuqa.
Dadka Ajaanibka ah oo maanta Bannaanbaxayey ayaa badidooda lahayn Sharciyada lagu jooogi karo dalkan, hase yeeshee ay horay u haysteen Sharciga N oo dib loogu qaatay.
Sidoo kale waxaa kaloo jira dad kale oo haysta sharciga F oo ka mid ah Soomaalida oo muddo 18ban sano ah oo ay ku xanniban yihiin gudaha Swiss-ka, xaquuq bani’aadan ku haysanin, sida waxbarashada Caruurta iyo dhallinyarada, xuriyadda Socodka iyo shaqada.
Bannaanbaxan ayaa ku dhacay si nabadgelyo ah, iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhacay dadkii Mudaaharaadayey iyo Ciidamada ilaalada nabadgelyada.
SomaliSwiss Zürich
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.