Culimada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo tacsi Tiiraanya leh u diraya qaraabada dadkii lagu xasuuqay shalay magaalada Muqdisho.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2007/04/innaa-lillaah-wa-innaa-ileyhi-raajicuun1.jpg

Tacsi Muraga leh

Halkaan ka akhri

Tacsi Tiiraanyo leh, Tacsi Muraga leh.

Qalbigu wuu murugaysan yahay, ishuna way ilmaynaysaa, mana oranayno wax Alle raalligalinaya mooyee wax kale, sidaas ayey Muslimiinta Oranaysay Maanta.

 

Waxayna intaas raaciyeen; “Waxaan ka murugaysanahay dadkayaga cadawgu ku xasuuqay magaalada Muqdisho gaar ahaan culimada iyo xercilmiga lagu xasuuqay masjidka Al-hidaaya ee xaafadda Waxaracadde“.

Waxaan annaga oo la murugaysan halkaan tacsi uga diraynaa qaraabada, ehelada, saaxiibada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen gacalkoodu.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa qaraabada, eheleda, saaxiibada iyo ardayda Sh. C/laahi Maxamuud Ciise oo ka mid ahaa culimada ugu waaweyn dalka Soomaaliyeed iyo Sh. Siciid Yaxye oo ka mid ahaa ducaadda ugu waaweyn gobolada koonfureed.

Waxaan Ilaahay uga baryaynaa dhammaantood in uu ka dhigo SHUHADAA’, dambigoodana dhaafo, uuna koryeelo darajadooda, dadkii ay ka geeriyoodeena uu ka siiyo sabir iyo iimaan
Aamiin… Aamiin…. Aamiin

1. Sh. Cali Warsame Xasan
2. Sh. Bashiir Axmed Salaad 

3. Sh. C/qaadir Nuur Faarax
4. Sh. Yuusuf Aadan Maxamed
5. Sh. C/naasir Xaaji Axmed
6. Sh. Maxamuud Ciise maxamuud
7.

Sh. C/laahi Cabdi Cali (Makawi)
8. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
9. Sh. C/laahi Sh. Nuur1
10. Dr. C/qaadir Max’ed C/laahi (Garre)
11. Sh. Maxamed Idriis Axmed
12. Sh. Xasan Maxamed Ibraahim
13. Sh. Axmed C/samad
14. Sh. C/fattaax Xasan Axmed (Shimbirow).

SomaliSwiss Muqdisho
%d bloggers like this: