Xasuuq
Halkaan ka akhri
Innaa lillaah Wa Innaa Ilaahi Raajicuun
Dal dadkii, Culamadiisa, Aqoonyahannadiisa la laynayo oo la daldalayo, maatadana Gaajada iyo Rafaad ay ku nool yihiin, islamaarkaasna dadkii waxgaradka u ahaana Indhaha ka dabooshay ayaa waxaa Bulshada caalamka la yaaban tahay, dadnima xumada Soomaalida iyo qiira la’aanta.
Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si naxriis darro ah loo dilay 20 qof oo ay ku jiraan Cumaa’udiin oo ka mid ahaa Sheekh Cabdalla Max’uud Ciise oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Caanka ah.
Sheekh Cabdalla Max’uud Ciise ayaa isagu ka mid ahaa Culumada Soomaaliyeed ee Caanka ah isla markaana Dacwada Islaamka darteed ay u soo tarxiishay Dowlada Imaaraadka.
Balse waxaa la soo sheegay in xiriir lala sameeyay Ra’iisulwasaare Nuur Cadde oo lagu doonayo inuu la xiriiro sidii uu u ogalaysiin lahaa Ciidamada gumeysiga Ethiopia in ay la soo bixiyo maydadka ku jira Masjidka ayaa waxa uu sheegay in uusan waxba ka qaban Karin taas oo loo fasirtay in uu ka gaabsaday.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.