40 qof Meyd ah oo shalay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ku xasuuqeen xaafada Waxara cade, oo maanta la helay.

Dadkii la Xasuuqay

Halkaan ka akhri

Dadkii ciidanka gumeysiga Ethiopia ku gowraceen gudaha iyo agagaaraha masjidka Al-Hiyaada oo gaaraya ilaa 40 qof ayaa waxaa galabta loo dhaqaaqey sidii loo aasi lahaa, ka dib abaabul xoogan oo ay galeen jamaacadda masjidka iyo dadka deegaanka.

Ha yeeshee 9 ka mid ah dadkan waxa ciidanka gumeysiga Ethiopia ku gowraceen gudaha masjidka oo isugu jirey Culimo, Ardey iyo xertii masjidka, halka 2 da kale ay ahaayeen dadka ka aghdow deegaanka masjidka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Ehellada dadkii shalay la xasuuqay oo  tagey halka lagu uruuriyey meydadka dadkii Shahiiday ayaa waxay sheegay in dadka qaarkood si xun loo diley oo jirkoodu ka muuqdo isku dhex-daadsanaan, arintaas oo ka tarjumeysa cadaawtanimada ciidanka gumeysiga Ethiopia u hayaan shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed oo aan waxba ka galabsan.

Dhanka kale waxa jiraa ilaa 25 qof oo rayid ah oo ciidanka gumeysigu ku xasuuqeen qeybo ka mid ah xaafada Waxaracadde sida uu Warbaahinta u qaxiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka, wuxuuna intaa ku darey qofkaasi, in dadka qaarkood uu ka muuqdo gowrac dhinaca danbe ee qoorta ah.

Sidoo kale waxa jira ilaa 3 qof oo isku meel yaala oo ku dhintey madfac ku dhacey guri ay ku jireen, oo ku yaala xaafada Waxaracadde, arintaas oo uu Warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyey qof markaa kor taagnaa meydadka dadka rayidka ah.

Sida lagu soo warramay waxa jira meelo aan ilaa iyo hadda la tegi Karin oo ciidanka gumeysiga Ethiopia ka ag dhow yihiin, lagana yaabo in ay jiraan tiro badan oo dad rayid ah oo ciidanka gumeysiga Ethiopia ay halkaa ugu geysteen xasuus ba’an oo aan loo meel dayin.

Warka kale ee Muqdisho naga soo gaaray ayaa sheegaya in ay warsaxaafeed maanta magaalada Muqdisho ka soo saareen golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeedkooda, in dadka ciidanka gumeysiga Ethiopia xasuuqeen labadii maalmood ugu danbeeyay ay gaarayaan ilaa 80 qof, sidoo kalena dhaawacu uu kor u dhaafayo 300 qof oo dhamaan tood ah dad rayid ah.

 SomaliSwiss Muqdisho

 

%d bloggers like this: