Dowlad goboleedka Puntland oo eedayn kulul u soo Jeedisay Guddomiyaha Baarlamaanka dowladda KMG Aadan Madoobe.

Aadan Midoobe

Halkaan ka akhri

Wareegto uu April 17, 2008 soo saaray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DGPL, Axmed Cali Xaashi, ayuu ku muujiyey sida uu uga soo horjeedo waxa uu ugu yeeray  “talo bixintii ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee DFKMG”, Sh. Aaden Maxamed Nuur (Sh. Aaden Madoobe), “kuna saabsanayd sharciga Batroolka”.

Guddoomiyaha Baarlamaanka DGPL in kasta oo uusan caddayn qodobada qaanuunka Dastuuriga ah ee lagu xadgudbey, haddana waxa uu sheegay in ‘talo bixinta’ Guddoomiyaha Baarlamaanka KMGS ay tahay “mid aan waafaqsanayn qaanuunka Dawladaha Federaaliga ah ee Caalamka, sida Itoobiya (iyo dalal kale)”.

Wareegtada Axmed Cali Xaashi oo cinwaankeedu ahaa “Warcelin la xiriirta Talo-bixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya” (oo u jawaabeysey Sh. Aaden Madoobe) ayaa waxaa ka mid ahaa erayo uu Axmed Xaashi kula hadlayey “qofwalba oo Soomaaliya dan u haya iyo shirkadaha la galay heshiiska” ayaa waxa uu u sheegay in aysan “dhegaysan dacaayadaha aan salka iyo raadka toona lahayn oo ay faafiyaan dadka ka soo horjeedaa nabada iyo nolosha dadweynaha reer Puntland iyo tan Federaalka ee Soomaaliya.”

Taas waa eedayn aad u weyn maadaama qoraalku ku socdey Guddoomiyaha Baarlamaanka DKMG.

Durbadiiba eedayntaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland u jeedisey Guddoomiyaha Baarlamaanka KMGS waxaa lagu faafiyey shabakadaha ay xogta isku dhaafsadaan saamileyda Suuqa ganacsiga Australia, iyadoo si gaar ah farta loogu fiiqayo sida loo canaantay DFKMG iyo taageerada Puntland ee shirkadaha heshiiska la galay, sida ku cad qormada Xaashi “shirkadaha la galay heshiiska in Puntland u furan tahay oo ay ku soo dhowaadaan gacmo Furan”.

9-kii April 2008 ayey ahayd markii Baarlamaanka KMGS ee Baydhabo ansixiyeen in Soomaaliya loo sameeyo sharci batrool. Fadhigii shaarcigaas Batroolka DFKMG codka loogu qaaday waxaa ka soo qayb galay ilaa 143 xildhibaan: Waxaana codkii noqday 119 ogolaansho, 22 diidmo iyo 2 aamusnaan.

Markii baarlamaanka Baydhabo arrintaas u codeeyey waxaa Sheekh Aadan Madoobe laga soo xigtey in uu sheegay sababta keentay in la sameeyo sharciga Batroolka KMGS in ay tahay sidii wax looga qaban lahaa heshiisyo uu ku sheegay in lala galay shirkado yar yar oo aan wax qaban karin.

SomaliSwiss Xigasho SomaliTalk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: