Nuur Cadde oo dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho ku tilmaamay kuwo is difaacid ah oo lagu difaacayo Jiritaanka dowladda KMG ah.

RW. Nuur Cade

Halkaan ka akhri

Iyadoo ay si aad ah usii xoogaysteen dagaalada qaraar ee maalintii labaad kasconaya magaalada Muqdisho, ayaa markii ugu horaysay waxaa ka hadlay Ra’isal Wasaaraha dowladda KMG ah Nuur Cade.

Ra’isal wasaaraha Dowladda KMG ah Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay Dagaalada Muqdisho ka socinaya in ay yihiin kuwa isdifacid ah oo lagu Difaacayo Jiritaanka Dowladda KMG ah.

Nuur Cadde maalmihii lasoo dhaafay ku jiray dhulka hoostiisa ayaa maanta dibadda usoo baxay, isagoona sheegay in uu tagaeersan yahay Dagaalka ay Ciidamada gumeysiga Ethiopia kula jiraan Mujaahidiinta oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Nuur Cade ayaa yiri, “Dowladda KMG ah waxay u aragtaa Dagaalka Muqdisho kasoconaya mid isdifaacid ah oo lagula dagaalamayo kooxo Nabad diid ah” ayuu yiri Nuur Cadde.

Si kastaba ha ahaatee madaxda dowladda KMG ah ee lashaqeysa gumeysiga Ethiopia ayaa weligoodba lagu yaqiinay marwalba ee uu dagaal ka dhoco magaalada Muqdisho ee ay ciidamada gumeysiga ku xasuuqaan Shacabka aan waxba galabsan hadala noocan oo kala ah.

Maaha markii ugu horeysay ee uu u hadlo nin sheegta dowladda KMG ah hadana dagaalada ay dadka masaakiinta ah ku le’anayaan ku tilmaama mid sax ah ee lagu difaacayo jiritaanka dowladda KMG ah ee lashaqeysa gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: