Ciidamo Ethiopiyaan ah oo aad u tira badan oo maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Ciidamo Ethiopian

Halkaan ka akhri

Ciidamo Ethiopiyaan ah oo wato  gaadiidka gaashaaman ayaa Maanta soo buux dhaafiyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaas oo ka yimid dhanka dalka Ethiopia.
Magaalada Baydhabo oo leh hal wado laami ah ayaa waxaa maanta isugu soo baxay dad aad u farabadan oo la yaaban badnaanta ciidamda gumeysiga Ethiopia iyo gawaarida Hubeysan iyo kuwa gaashaaman ee horkacaya.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay baqdiin xoogan ay soo food saartay iyagoo ka baqaya dhibaatooyinka ay keeni karaan Ciidamada gumeysiga oo muddooyinkii ugu dambeeyay lagu bar tilmaameysanayay wax yaabaha qarxa gudaha magaalada Baydhabo.

Hase ahaatee, waxaa wali muuqanin in ciidamada gumeysiga Ethiopia ee maanta soo gaaray magaalada Baydhabo in ay ku hakan doonaa iyo inkale, iyadoo wararka aan la hubin ay sheegayaan in ay doonayaa in ay u sii gudbaan dhiga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka soomaali oo maalintii 2-aad uu ka socdo dagaal culus.

Ha yeeshee lama oga in ciidamadan ay yihiin kuwo lagu soo beddelayo kuwii horey u joogay iyo in kale.
Balse ma`ahan markii ugu horeysan oo ciidama ka soo kicitimay gudaha itoobiya ay soo gaaraan magaaladatan Baydhabo ee xarunta gobolka bay, iyadoo ay tahay markii ugu horeeysan ciidamado Ethiopiyaan ah oo aad u tira badan ay soo gaara gobolka Bay.

SomaliSwiss  Baydhabo

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

%d bloggers like this: