Ciidamada Ethiopiyaanka oo 11 Askari looga dilay Dagaal Culus oo maalintii labaad ka socda Degmada Huruwaay.

Jabka Cadowga

Halkaan ka akhri

Sida ay ku soo warramayaa Warbaahintamagaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegayaa inuu dagaal cuslus oo maalintii labaad galay uu ka socdo agagaarka ex-control Balcad iyo dabaqa loo yaqaano “qabyada” oo ay joogaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia.
Dad ka ag dhow goobta uu dagaalka ka socdo  ayaa sheegay in Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay iyagu dagaalka soo qaadeen isla markaana ay la soo baxeen Taangiyo badan kuwaas oo ay ku garaacayeen goobo kala duwan oo ka mid ah degmooyinka huruwaa iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
 Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaaraha Ciidamada gumeysiga Ethiopia soo gaartey ay tahay dhimasho 11 askari oo hal unug ah oo Mujaahidiinta ku dabsaareen agagaarka ex-control Balcad dhinaca Bari halkaasi oo uu sheegay qofkan oo in la sheego magaciisaqariyey inuu u maleeyo in aysan waxba ka baxsan Ciidamada Cadowga oo dhammaan ay wada laayeen intii aagaas ka dagaalayey.

Hase ahaatee Dagaalka Saakay dhacay  ayaa yare qaboobay waxa haddana jira dhaq-dhaqaaq ciidan iyo waliba saan saan colaadeed oo keeni karta in uu mar kale dib u bilowdo.

SomaliSwiss  Muqdisho 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: