Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo maanta ka wada hadlay sidii laga yeeli lahaa lacagta shilin Soomaaliga oo muran badan dhaliyey.

Shirka Ganacsatada

Halkaan ka akhri

Xaaladaha jahwareerka ah ee ka yimid isticmaalka Lacagaha duuga iyo kuwa jeex jeexa ayaa waxaa kulan ballaran maanta ay isugu yimaaden ganacsatada, aqoonyahanada iyo culumaa’udiinka isku afgarteen dood dheer kadib in la socodsiiyo lacagahaasi.

Hase ahaatee Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku dhawaaqeen in ay meel marinayaan lacagaha duuga ee shilin soomaaliga, kaasoo noqday dhibaato taagneyd oo saameysa dadweynaha soomaaliyed.


 Diidmada lacagaha duuga iyo kuwa jeex jeexa ah,awgiis ayaa loo qabtay Kulankan, waxaana soo abaabulay Culumaa’udiinka ayaa waxay ugu baaqeen Ganacsatada in ay u istaagaan sidi ay u meel marin lahaayeen.

Warku wuxuu intaa raaciyey in qeybaha kala duwan ee Waaxyaha ganacsiga ee uu ka kooban yahay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay sheegeen in ay si rasmi ah u dhaqan gelin doonaan isticmaalka lacagaha duuga.

 Sida lagu soo warramay waxaa kulankaas ka hadashay qof ka mid ah Culumaa’udiinkii kulankaas ka soo qayb galay, wuxuu sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan ganacsatadii diida isticmaalka lacagaha duuga ee shilinka soomaaliya, kaasoo ka haray Kunka shilin kaliya, waxaana uu intaa ku daray in aysan jiri doonin lacago la kala sooco oo lagu celiyo dadka danyarta ah ee wax iibsaneysa.

 Kulankan intii uu socday ayaa waxaa gebi ahaan albaabada la isugu dhiftay goobihii ganacsiga ee suuqa bakaaraha, waxaana dadka ganacsatada lagu yeerayay cod baahiyeyaal ah in ay ka soo qeyb galaan kulan ballaaran oo aqoonyahanada, culumaa’udiinka iyo ganacsatada ay uga arinsanayaan Xaaladaha sicir bararka iyo diidista lacagaha duuga.

Ugu dambeyntii dadkii ka soo qeyb galay kulankaasi ayaa si diiran u soo dhaweeyay arintasi waxaana ay sheegeen in qadyaan ay ka taagnaayeen maareeynta noloshooda maadaama laga diidayay lacagaha shilin Soomaaliga ah ee dugoobay.

 SomaliSwiss  Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: