Mujaahidiinta Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo Qaraxyo la beegsaday Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Mujaahidiinta MMIS

Halkaan ka akhri

Mujaahidiinta Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxay maanta qaraxyo kala duwan oo gaaraya 3 ay la beegsadeen Ciidamada gumeysiga Itoobiya oo marayay goobo kala duwan oo ka mid ah caasimada Muqdisho.
C/raxiim Ciise Cadow oo ah Afahayeenka Ciidamada Mujaahidiinta Maxkamada Islaamiga ee Soomaaliyeed ayaa u sheegay qaar ka mid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho in ay qaraxyadaasi ka dhaceen:- Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad, Isgoyska Towfiiq iyo Raadeerka.
Afhayeenku wuxuu intaas ku raaciyey inay gaarsiiyeen Ciidamada gumeysiga dhimashooyin iyo dhaawacyo gaaraya illaa 20 askari, wuxuuna shaaca ka qaaday in ay ogaadeen in Ciidamada gumeysiga Itoobiya ay badaleen qorshahoodii ahaa in ay ku maraan gudaha magaalada baabuur oo ay u badaleen in ay lugeeyaan sidaasi awgeedna uu yiri anaguna waan la badalnay oo waxaan sameynay qorsho kale oo aanu ku ugaarsanayno kuwa lugaynaya.

Si kasta ha ahaatee qaraxyada saddexda ah ee maanta barqadii lagu halaagay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyada oo shalay gaari booyad ahi ay Xoogaga mujaahidiitna Soomaaliyeed qori saban ahi la beegsadeen xili uu marayay agagaarka jiiro garoob ee degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ku basbeeshay booyadii iyo wixii saarnaa intaba.

Si kasta ha ahaatee qaraxyada saddexda ah ee maanta barqadii lagu halaagay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyada oo shalay gaari booyad ahi ay Xoogaga mujaahidiitna Soomaaliyeed qori saban ahi la beegsadeen xili uu marayay agagaarka jiiro garoob ee degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ku basbeeshay booyadii iyo wixii saarnaa intaba.   SomaliSwiss  Muqdisho

 

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: