Hubkii iyo Gaadiidkii dagaalka ee uu lahaa Prof. Cali Maxamed Geedi oo ay Maleeshiyaad xoog kula wareegay.

Prof. Cali M. Geedi

Halkaan ka akhri

Ciidamo isugu jiro Ethiopiaan iyo Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa galabnimadii maanta la wareegay hubkii uu lahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.Saraakiil Ethiopian ah ayaa la sheegay inay gudaha u galay Gurigii uu lahaa Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Geeddi ee uu ku yaalay Degmada C/casiis waxayna kala soo baxeen Hub iyo Gawaari dagaal oo uu uga tagay Gurigiisa markii uu iska casilay xilkiisii.

 

Saraakiisha Ethiopianka oo ay wehlinayeen Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada ayaa la sheegay in ku dhowaad 10 baabuurta dagaalka oo uu lahaa Prof. Geeddi ka soo qaateen Gurigiisii, iyagoona kala diray Ciidamadii Guriga joogtay ee ilaalineysay.

 

Warku wuxuu intaa ku daray in Gawaarida Dagaal ee lagala wareegay Xildhibaan Cali Geeddi ay ka dambeysay amar ka soo baxay Golaha Wasiirada oo ku saabsan in lala wareego Hubka kasta oo yaala Caasimada.

 

Balse sida la sheegay Gaadiidka Dagaal ee laga soo qaatay Guriga Prof. Geeddi ayaa ahaa kuwo aan in muddo ah la isticmaalin, waxaana la xareeyay markii uu is casilay 29-kii October ee sanadkii hore, xilligaasoo uu dalka ka tagay.

Prof.Cali Geeddi oo hada ku sugan Magaalada Nairobi ayaan ka hadlin la wareegida Gawaaridiisa dagaalka oo muddo lagu galbin jiray, intii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa, waxaase tallaabadan Gaadiidkiisa dagaalka lagala wareegay lagu sheegay amar ka yimid dhinaca Madaxtooyada uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 SomaliSwiss Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: