Ciidamadii Cabdulaahi Yuusuf ee ku sugnaa Madaxtooyada Muqdisho oo loo rarey Magaalada Baydhabo…

Ciidamada DKMG

Halkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka ambabaxay ciidamadii Koofiyad Casta ee madaxatooyada ee ilaalada gaarka ah u ahaa Cabdulaahi Yuusuf, kuwaasi oo loo rarey Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Ciidankan oo ay la socdeen xaasaskoodii iyo caruurtoodii ayaa waxaa lagu rarey gawaarida loo yaqaan Waaraadka Ilaa iyo hada lama garanayo sababaha loo rarey Ciidamadaasi, balse warar ayaa sheegaya in ciidamadaasi loo raraey arimo la xiriira sidii mar kale tababar u soo qaadan lahaayen, warar kalena waxey sheegayaan in ciidamadaasi loo geeyey magaalada Baydhabo si ay u ilaaliyaan Xarunta madaxtooyada, iyadoo wararka ay sheegayaan Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf wixii ka dambeeya ka soo laabashadiisa Dalka Mareykanka in uu fariisin ka dhigan doono Magaalada Baydhabo.

Warar kale aya sheegaya in amaanka Madaweynaha wixii hadda ka dambeeya ay la wareegeen Ciidamada Uganda waa hadii uu ku soo laabto Magaalada Muqdisho hase yeeshee Saraakiisha Ciidamadaasi ayaa noo sheegey in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wixii haatan ka dambeeya uu ka howlgeli doono Mgaalada Baydhabo

Iyadoo ay isa soo tarayaan awooda kooxaha ka soo horjeeda Dowlada KMG ah ayaa warar aan ka soo xiganey rag si aad ah ugu dhow Dowlada ayaa waxay sheegeen in awooda Dowlada ay isugu geyn doonto magaalada Baydhabo oo ah magaalo kooban isla markaan fariisin ku leh Baarlamaanka.

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamada Burundi laga yaabo in ay ka howl galaan Magaalada Baydhabo si ay u ilaaliyaan amaanka Madaxda sare ee Dowladda KMG, kuwaasi oo la sheegey in waqtiga u harsan ay ku dhameysan doonaan Magaalada Baydhabo

SomaliSwiss Faafin Somalitalk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: