Xoogaga Mujaahidiinta Islaamka Soomaaliyeed iyo ciidanka gumeysiga Ethiopia oo iska hor’imaad ku dhex marey jidka Warshadaha.

Xoogagga MMIS

Halkaan ka akhri

Iska Horimaad xooggan oo maanta Ku dhex maray Agagaarka Warshada Baastada ee Magalada Muqdisho Ciidamada ciidanka gumeysiga Ethiopia iyo Xoogagga Mujaahidiinta ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamadaas, Kaasi oo ka dhacay kadib markii Weerar Gaadmo ah lagu qaaday Booyad Biyo U siday Ciidamada Maxeysatada ee Ethiopia.

Hase ahaatee Iska horimaadkan ayaa yimid kadib Markii ay weerar ku soo qaadeen Xoogag ka soo horjeeda Joogitaanka Ciidamada Ethiopianka oo Gaari Booyad ah Biyo u siday Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan Warshadii hore ee Baastada.

Gaarigan ayaa mararay Xiliga uu iska horimaadka bilaabanayay Agagaarka Jiro Garoob ee Wadada Warshadaha ee degmada Yaaqshiid halksi oo ay ku sugnayeen ciidamo Ethiopian ah.

Iska hor imaadkani oo socday qadar daqiiqado ah ayaa waxaa la isku weeydaarsaday Hubka Fud fudud ee daran dooriga u dhaca.

Sidoo kale wararku waxay intaa ku darayaan in warshadii hore ee Baastada, lagu garaacey madafiicda loo yaqaan hoobiya yaasha, kuwaas oo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka soo gaarey ciidanka gumeysiga Itoobiya madaafiicda lagu garaacey fariisinkooda.
Balse qof meesha lagu gubay gaariga booyada ahaa ayaa sheegay in gaarigaas uu burbur ka soo gaaray qeybta danbe kadib markii lala helay qoriga Baasuuka ah, waxaana in si dirqi ah ku Fakaday darawalkii waday gaarigaasi booyada ahaa.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: