Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo warsaxaafadeed ka soo saaray Sicir bararka Raashiinka quutul duruuriga ah.

Golaha Dh. Hawiye

Halkaan ka akhri

Warsaxaafadeed ay soo saareen maanta Golaha Odayaasha Hawiye ee uu saxaafadda u aqriyay Mas’uul ka tirsa Waaxda Warfaafinta ee Golahaasi ayaa waxa uu u qornaa sida tan:-

Warsaxaafadeed

Shir ay isugu yimaadeen Golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye loogana hadlayay Sicir bararka, lacagta jeex jeexan, dhoofinta dhuxusha iyo Raashinka qutul duduuriga ah.

Hadaba si aan u ifino waxyaabaha keenay Sicir babarka Maalinba Maalinta ka danbeeysa ayaa waxaa ka mid ah:

 

1-Lacagaha Cusub ee Faalsada ah oo laga keenay Puntland, kana soo degta Dakadaha iyo Airporada Dalka oo ay maamusho TFGda.

2- Dowlada TFGda oo Canshuurta ku qaadata lacag Doolar ah oo xad dhaafa ah.

3- Diidmada Lacagta Jeex Jeexan iyo lacagta Duuga ah, taasoo ah ayaan daro ku timid shacabka qeybihiisa kala duwan siiba kuwa danyarta ah.

4-Dowalada TFGda markii ay Muqdisho soo galaysay Boqolka doolar waxa uu ahaa Malyan iyo sadax boqol iyo konton kun (1,350,000) hadana waxa uu marayaa Sadex Malyan iyo in ka badan.

5-Ascaarta Qutul Duruuriga ah shaykasta waxaa ku kordhay shan jibaar waxaana dhaliyay amaan darada, taas oo ay abuurtay soo galitaankii Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, waxaana tusaale u ah Sarkaal Itoobiyaana oo magaciisa lagu sheegay Col:-Otomatik oo ka hadlay magaalada Jowhar ayaa ku faanay in magaalada Muqdisho ay ka xireen ilaha dhaqaalaha sida Suuqyada, Goobaha Waxbarashada, Caafimaadka IWM.

Sarkaalkaas ayaa ugu goodiyay shacabka Reer Jowhar inaysan Beeraha Falan doonin hadii aysan Raacin Maamulkisa.

Si hadaba taas looga baxo wuxuu soo jeedinayaa Golaha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye qodobadaan soo socda:

1- in ay Joojiso Dowlada TFGda lacagaha Cusub ee Faalsada ah ee ka Soo dago Dekadaha iyo Airporada ay maamusho TFGda.

2- Lacagaha ay Dowlada TFGda Canshuur ahaanta uga qaado Ganacsatada inay ka dhigaan lacagta shilin somaaliga ah,islamarkaana ay ka qafiifiso lacagaha canshuraha kuna soo celiso Dalka aysan galin jeeb shaqsiyaad.

3- Waxaan ugu baaqaynaa Ganacsatada in ay qaataan lacagaha jeex jeexan iyo kuwa duuga ah, una naxaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa danyarta ah.

Ganacsatadii aan qaadan baaqyada loo soojeediyo oo ku saabsan diidmada lacagaha Duuga ah waxaan u aragnaa cadowga Umada Soomaaliyeed.

Waxaan mar labaad ka ugu baaqaynaa Ganacsatada Dhoofisa Dhuxusha iyo Raashinka Qutul daruuriga ah sida Sisinta, Galayda iyo digirta in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan dhoofinta ay ku hayaan.
 Ugu Danbayntii Waxaan ugu baaqaynaa Dowalada TFGda in ay gacan ka gaystaan Joojinta dhoofinta dhuxusha iyo Raashinka qutul Daruuriga ah ee Laga dhoofiyo Dekadaha iyo Airporada ay Gacanta ku hayaan TFGda.

Guddoomiyaha golaha dhaqanka & midnimada beelaha Hawiye

Maxamed Xasan Xaad

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: