Gaariga uu leeyahay Ra’isal wasaare ku-xigeenka dowladda KMG, Axmed C/salaam oo Miino lagu qarxiyay .

Gaari la qarxiyey

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta miino loo dhigay gaaru uu leeyahay Ra’isal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka warfaafinta iyo Sports-ka Dowladda KMG ah ee soomaaliya Axmed C/salaam xili uu marayay nawaaxiga shaneemo Afrika ee degmada X/jajab, Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala beegsaday gaarigaas ku dhaawacmay Labo qof.

Dadka ku dhaqan degmada xamarjajab sheegay in qaraxaas uu ahaa mid aad u xoog badan islamarkaana gigilay deegaanka oo dhan.

Wadihii gaariga Ra’isal wasaare ku xigeenka iyo mid ka mid ah ilaaladii la socotay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi waxana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda oo ilaalo ahaan ula socday gaariga wasiirka ay waxyeelo soo gaartay.

 

Balse waxaa nasiib wanaag ah ma jiraan dad rayid ah oo qaraxaas ku dhaawacmay, ha yeeshee ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ayaa howlgalo ka fuliyay goobta qaraxa ka dhacay.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo qaraxyo nuucaan oo kale ah lala eegto gaadiidka Mas’uuliyiinta Dowlada.

 

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: