Dadkii lagu Afduubtay Soomaaliya oo heer qaran loo soo dhaweeyey iyo C/laahi Yuusuf oo oggolaadey in dadkiisa lagu maxkamadeeyo Dalka France.

https://i0.wp.com/d.yimg.com/us.yimg.com/p/afp/20080416/capt.cps.mxr63.160408183934.photo02.photo.default-341x512.jpg

Soo dhaweyn

Halkaan ka akhri

Doonidii dalxiiska ahaa ee laga lahaa Dalka France oo dhawaan laga sii daayey kooxdii burcad badeedka Soomaalida ahayd ee ay ku heysteen xeebaha Soomaaliya. Laguna siidaayey lacago madax furasho ah, kadibna diyaarado dagaal oo ka soo kacey maraakiib dagaal oo taagneyd isla xeebaha Soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen ilaa 6 qof oo lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen kooxihii afduubka u heysatey doonta dalxiiska ee laga lahaa dakülka France.
French President Nicolas Sarkozy, foreground left, flanked by ...

Balse wararka cusub ee soo baxay ayaa ku waramayaa in markii ciidanka France gacanta ku dhigeen kooxdan bur cad badeeda ah oo aheyd Jimcadii la soo dhaafey ilaa shaley lagu hayey dusha markabkii dagaal ee ay ka soo kaceen diyaaraha dagaalka ee France.

 

 

Si kasta ha ahaatee warku wuxuu intaas ku daray in dorraat si nabad ah ku gaareen dadkii saarnaa Doontaas,waxaana lagu qaaday Diyaarad khaas ah oo ay dowladdoodu u soo dirtay,iyadoo ku nastay Dalka Djabuti,.

 

 

 

Balse wararka cusub ee soo baxay ayaa ku waramayaa in markii ciidanka France gacanta ku dhigeen kooxdan bur cad badeeda ah oo aheyd Jimcadii la soo dhaafey ilaa shaley lagu hayey dusha markabkii dagaal ee ay ka soo kaceen diyaaraha dagaalka ee France.

 

Sida ay sheegayaan warar lagu soo qoray Website-yada ka soo baxa dalka Fransiiska dadkii afduubayaasha ahaa ayaa si qiiro ku jirt loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Digol oo ku yaalla magaalada Baris ee dalka fransiiska, warku wuxuu intaa raaciyey in saraakiil ka tirsan ciidanka France ay sheegeen in 6dii Burcad-badeedka Soomaalida ahaa ee la soo qabtay lagu maxkamadeyn doono maxkamad ku taala Dalka France.

Arintan ayaa soo baxdey iyada oo dowlada France ay raadineysay ilaa iyo Jimcadii la soo dhaafey oo ah goortii gacanta ay ku dhigeen kooxdan burcad badeeda, cid ka tirsan Dowladda KMG ah ama maamulka goboleedyada ka jira halkii laga qabtey Burcaddaas, in ay ka hesho ogolaansho ah in kooxdan loo qaado Dalka France, si halkaa loogu saaro maxkamad oo lagu qaado dacwad ka dhan ah kooxdan bur cad badeeda.

Sidoo kale waxa soo baxayey warar hoose oo ay daabacdey wakaalada wararka ee France AFP, oo sheegtay in afhayeen u Hadley madaxweynaha Dalka France uu sheegay in C/Laahi Yuusuf oo ah madaxa dowlada KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya u siiyey dowlada France ogolaansho dhab ah oo u ogolanaya dowlada France in maxkamad lagu saaro dalkeeda kooxdan ciidanka France uu ka soo qabtey xeebaha Soomaaliya oo uu ku edeynayo in ay ka danbeeyeen afduubkii dhawaan loo geystey doontii dalxiiska ahayd ee laga lahaa Dalka France.

Wakaalada wararka ee Dalka france AFP ayaa faafisey in ogolaansho rasmiga ah ay ka heshay dowlada france Madaxweyne C/Laahi Yuusuf,ayaa muujinaya in ayna dowlada KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ayna xil iska saarin arrimaha ka dhaca gudaha dalkeeda iyo dibeddaba, marbana ay danaynin ama ay ka doodidaynin xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee lagu tumanayo iyo dhibaatada joogtada ah ee shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya dhinac walba, balse nin walba uu eeganayo dantiisa gaarka ah iyo sidii uu raali gelin lahaa madaxda dowladaha reer galbeedka ee inta badan dhibta ka dhacda geyiga Soomaaliya iyagu geysta.

Tani waa arrinta dhowr jeer soo noqnoqatay ee ma ahan markii ugu horeysay ee shaqsi Soomaali ah sidan oo kale loogu gacan geliyo dalalka reer galbeeda iyo kuwa kale ee cadowga ku ah ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: