Magaalada Baydhabo oo ka dhacay qarax waxyeello geystay.

Isha baydhabo

Halkaan ka akhri

War uu noogu soo diray Wakiilka SomaliSwiss magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay Suuqa Sarifka Magaaladaas.
 
Sida uu ku soo warramay Wakiilkeena in qaraxaas uu ahaa mid xooggan ayaa keenay dhimashada hal ruux iyo dhaawac soo gaaray dad kale oo ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ka dhawaayeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Markii uu qaraxaas dhacay ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana gebi ahaanba hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka jiray Suuqa Sarifka ee Baydhabo.

Nooca Miinada qaraxday ayaa wuxuu ahaa kuwa lagu duugo dhulka ee meelaha fog laga hago, wuxuuna qaraxaasi ku soo beegmay iyadoo dhawaanahan magaalada Baydhabo ay ku soo badanayeen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jiray dilal iyo qaraxyo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Dowladda kmg Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli xarun u ah Magaalada Baydhabo,waxaa kaloo magaaladaas ku yaalla xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale waxay Magaalada Muqdisho ku  leeyihiin xafiisyo .

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: