Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta fadhi ka yeelanayo, sidii loo xallin lahaa Xaaladda adag oo muragsan ee ka jirta Soomaaliya.

http://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/b/bd/United_Nations_HQ_-_New_York_City.jpg

Xarunta Qaramada Midoobay

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta la filayaa in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay kal fadhi ka yeeshaan xaaladaha adag ee ka jira dalka Soomaaliya Xil amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya uu ka sii darayo.

 Kulankaan ay  Golaha amaanka Qaramada Midoobay ka yeelanayaan Arimaha Soomaaliya oo ka dhacaya magaalada New York ayaa waxaa ka qayb galaya hogaamiyeyaasha 15-ka wadan ee xubnaha ka ah Q.M iyo Madaxda ilaa iyo shan wadan oo Somaaliya ku jirto.

 Warar madax bannaan ee aan ka helnay diblumasiyiin ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay go’aan rasmi ah ka qaadan doonaan xaaladaha wadamada ay colaaduhu ka ogaan yihiin iyo in wax laga qabto dhibaatada dhinaca amaanka ah.

 Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo lagu martiqaaday fadhigaasi ayaa lagu wadaa in uu halkaasi ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono xaalada Soomaaliya, iyadoo khudbadiisa uu ku codsan doono ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo la keeno Soomaaliya.

 Si kasta ha ahaatee Qaramada Midoobay ayaa mudoyinkaan dambe waday dadaalo ay wax kaga qabanayaan xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya, iyagoo wada dadaalo dhinaca dib u heshiisiinta ah oo ay isugu keenayaan Dowlada fadaraalka iyo kooxaha ka soo horjeeda. 

 SomaliSwiss New York

 

 SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: