Caasha Jilacow & Deeqa Axmed Macallin oo kamid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Switzerland oo magaalada Bern kusoo bandhigay….

Cunta karin

Halkaan ka akhri

Guri ay leeyihiin dadka udooda xuquuqda qaxootiga wadamadooda kasoo cararay ee loo yaqaan (bleibe recht für alle caffe) oo macnaheedu tahay afafka kale sida English (Remain justice for all) iyo Carabi (تبقى العدالة للجميع) Af-Somali (Kujooga Cadaalad dhammaan).

Gurigan ayaa ah mid Isbuuc walba ay dad Ajaanib ah kusoo bandhigaan cunooyinka kala duwan ee laga isticmaalo wadamadooda, Sitimaan walbana ay leeyihiin wadan kamid ah wadamada ay dadkoodu kunool yihiin Switzerland.

Maalinta soo bandhigista Cuntada Soomaaliyeed ayaa waxaa aad ula dhacay daweynihii kasoo qeyb galay kuwaasoo Cuntada Soomaaliyeed aad ay u cajab gelisay kuna farxay marki ugu horeysay ee ay gabdha Soomaaliyeed halkaasi kusoo bandhigaan Cuntooyin kala nooc ah oo loogu magac daray Cunta dhaqameedka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa halkaasi kasoo qeyb galay wariyeyaal kasocday Idaacadaha Swiss-ka iyo wariye katirsan SomaliSwiss.

Cuntooyinka Soomaaliyeed ee halkaasi lagu soo bandhigay ayaa ahaa cuntooyinka ay cunaan dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan, kuwaasoo ahaa cuntooyinka lagu yaqaano Soomaalida, oo hadii aan tusaale ahaan usoo qaato cuntooyinkaas oo aan halkaas lagu soo koobi kari ay kamid ahaayeen sida Saambuuska.

Dadweynihii kasoo qeyb galay maalinta cunta karinta loo xilsaaray Soomaalida ayaa iyagu aad usoo dhaweeyay kuna sheegay in ay wanaagsan tahay cuntooyinka ay isticmaalaan dadyowga Soomaaliyeed, iyagoo codsaday in maalmaha ay cunta karinta kusoo aadayso Soomaalida Swiss-ka in ay jeclaan lahaayeen in lala soo socodsiiyo si ay uga soo qeyb galaan.

Sidoo kale waxaa maamilta cuna soo bandhigida Soomaaliyeed kasoo qeyb galay madax katirsan xisbiyada wadankan Swiss-ka qaarkood kuwaasoo iyaguna mahad celin ballaaran usoo jeediyay gabdhihii iyo wiilashii Soomaaliyeed ee Cuntadaasi soo bandhigay.

Waxaa halkaasi dardaaran usoo gudbiyay Soomaalidii halkaasi ku sugneyd madaxdii xisbiyada Swiss-ka oo sheegtay in ay wax wanaagsan tahay in la arko markii ugu horeysay Hida iyo Dhaqan (Culture) ay leedahay Soomaalida ku dhaqan Switzerland ayna tahay isdhex gal wanaagsan ayna horay usii wadaan dadaalka ay sameeyeen gabdhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Garabey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: