Xisbiyada Isbahaysiga Midig dhexe ee dalkaTaliyaaniga oo ku guuleestay tartankii doorashooyinka 2008da.

https://i1.wp.com/www.swissinfo.org/xobix_media/images/keystone/2008/keyimg20080415_8973290_0.jpg

Silvio Berlusconi

Halkaan ka akhri

Xisbiga Xuriyadda Shacabka (PDL), Xisbiga Lega del Nord (LN) iyo Xisbiga Isbahaysiga Qaranka (AN) oo wada jira ayaa guushii ku raacday Tartankii doorashadii dhacday Maalmihii Axadda iyo Isniinta, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Guddiga doorashooyinka ee dalka Taliyaniga.

Guddigan ayaa sheegay in Axsaabta  Midig dhexe ee uu hoggaaminayo Silvio Berlusconi ay heleen Cod dhan 47,2%ba cododka dadka xaqa u leh codbixinta,Sidaas darteed Axsaabta Bidaxda ayaa la sheegay inay aqliyabad ku leeyihiin labada aqal ee dalka Taliyaaniga.

Balse Xisbiyada Midowga Bidax dhexe ee uu hoggaaminayo Walter Veltroni ay iyaguna heleen Cod dhan 38,1%ba, laakiin waxaa kaloo jiray Axsaab badan oo yaryar oo ka wada tirsan Midig iyo Bidax oo si gaar ah isu istaagay ee aan ku fikrad ahayn labado Xisbi oo waaweyn.

Si kasta ha ahaatee waxaa lagu soo warramayaa in xisbiyada yaryar ee xag jirka ah ay ka baxeen Xerada siyaasad.

Silvio Berlusconi oo u sharraxnaa Jagada Ra’iisul-wasaarennimo ayaa dadweynaha Taliyaaniga u ballan qaaday dhowr qodob oo aad waxtar u leh horumarinta dadka iyo dalka taliyaaniga, waxaana ka mid ah:

          In uu wax ka beddelayaa Siyaasadda Qoyska xagga dhaqaalaha.

          In uu wax ka beddelayo Siyaasadda Canshuuraha ee hay’daha wax soo saarka.

          In shirkadda Diyaarada ee Alitalia ay ku jirayso gacanta qaranka Taliyaaniga.

          In Golaha Wasiiradiisu uu ka dhigayo 12 Wasiir

          In uu Wax ka beddeli doono Dastuur qaranka, dhinacyada Doorashooyin iyo Caddaaladda.

          Iyo kuwa kale badan oo aad muhim u ah.

Balse dad badan oo u dhuun-daloola Siyaasadda Taliyaaniga ayaa waxay isweydiinayaan sida ballamadaas loogu dhabayn karo, maadaama ay jiraan duruufo adag ee Caalami ah.

SomaliSwiss Zürich

Xigasho Swissinfo

Tarjume A.Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: