Qaraxyo Shalay ka dhacay Caasimada dalka Ethiopia ee Addis-abeba kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

https://i1.wp.com/d.yimg.com/us.yimg.com/p/ap/20080415/capt.b2ef660a0d85433ba153720c743afdc1.ethiopia_explosions_gfx708.jpg

Addis-Abeba

Halkaan ka akhri

Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in labo qarax ah oo ka dhacay shalay galab Magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia uu keenay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana ku geeriyooday 3 qof, 18 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sidaas waxaa laga soo xigatay afahayeen u hadlay Ciidamada Booliiska Federalka Ethiopia oo lagu magacaabo Hailu Misash.

Balse khasaarooyinkii ugu horeeyay ee la baahiyo ayay dad goob joogayaal ahi ku sheegeen dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 20 qof, qaraxyadaasi oo ka dhacay goob shidaalka lagu iibiyo oo ay leedahay shirkada NOC oo uu leeyahay milyaneer Sacuudiyaan ah oo lagu magacaabo SH. Al-Cumuudi oo isagu xiriir dhaw la leh xukuumada.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Afahayeenka Ciidamada Booliiska Ethiopia Hailu Misash uu sheegay in“2 qof ay ku geeriyootay goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, halka qofka saddexaadna uu geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka”, 18ka qofna ay ku dhaawacantay oo 4 ka mid ah ay xaaladoodu tahay dhaawac culus”.

Warbaahinta gudaha iyo dibedda ee ku sugan magaalada Adis-ababa ayaa waxay su’aalo weydiyeen Afahayeenka cidda ay ku eedaynayaan Qaraxyadan, hase ahaatee wuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aashaas, laakiin wuxuu sheegay inay ku guda jiraan baaritaanada lagu hubsanayo cida sida rasmiga ah uga dambeysa, waayo xiligan nooma suuro galayso in aan tilmaano dadka ka dambeeya qaraxyadaasi.

Ugu dambeyntii Afhayeenku wuxuu sheegay in qaraxyadan ay dhaceen xilli uu Barlamaanka Ethiopia ay ka socdaan doorashooyinka oo si nabad ahi ku bilowdeen.
SomaliSwiss Xafiiska weyn
%d bloggers like this: