Isbeddelka Cusub ee Hay’adda Lacagta adduunka.

https://i2.wp.com/www.swissinfo.org/xobix_media/images/keystone/2008/keyimg20080413_8967576_0.jpg

Shirka H. Lacagta

Halkaan ka akhri

Hay’adda Siyaasadda ee Sanduuqa lacagta adduunka (IMFC) oo shir uga socday Magaalada Washinton ayaa waxay isku raaceen isbeddelka lagu sameeyey dastuurka hay’addaas, sidaas waxaa maanta shaaca ka qaaday Agaasimaha guud ee cusub Dominique Strauss-Khan oo dhalashadiisa ah Faransiis.

Qodobka uga muhimsan ee isbeddelka lagu sameeyey ayaa ah xoojinta iyo awood siinta Wakiillada Waddamada dhaqaalahooda soo korayo, taasoo ah in loo wareejiyo cod-bixin dhan 2,7%ba, halka waddamada qani ah ee leh Warshada, ay leeyihiin awoodda 57,9%ba xaquuqda Cod-bixinta.

Awoosiinta Waddamada dhaqaalahooda soo koraya ayaa timid ka dib markii ay dacwado badan ee ay ku raadinay sidii ay qayb uga heli lahaayeen awoodda Siyaasadeed ee hay’dda Lacagta Adduunka.

Dalkan Swisska ayaa hoos u dhigay 11%ba hantidii uu kaga qayb galay hay’addan, sidaas waxaa daaha ka qaaday Wasiirka Lacagta Hans-Rudolph Merz oo qof uga qayb galay Konfederaalka Swisska ee shirka uga socda hay’adda lacagta Adduunka (IMFC).

Ma ahan wax sidaas u sii weyn sheerka la siiyey Wadammada dhaqaalahooda soo koraya ayuu yiri: Hans Rodolph, balse waxay billaw u tahay sidii lagu gaari lahaa nidaam guud ee u dhexeeya Waddamada adduunka.

Ugu dambeyntii shirkan ayaa waxaa si aad ah loogu dooday dhibaatada ku timid dhaqaalaha Caalamka ee keenay sicir bararka, gaar waxyaabaha muhimka ah oo ka mid,Cuntada iyo Betroolka, kuwaas oo waxyeello xooggan gaarsiiyey dhaqaalaha Waddamada Soo koraya.

SomaliSwiss Zürich

Xigasho Swissinfo

Tarjume A.Dhicisow

%d bloggers like this: