Gudoomiyaha golaha dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa shaaca ka qaaday xilliga la isa soo hor fariisinayo Mucaaradka iyo xubnaha dowladda KMG.

Shariif Xassan

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha golaha dhaxe ee Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka hadlay Maanta xiliga lagu wado in Qaramada Midoobay isi soo hor fashiisinayaan madaxda gudiga wadaxaajoodka dib u heshiisiineed ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SHARIIF XASSAN SH: AADAN

Shariif Sheikh Aadan oo maanta wareysi gaar ah siiyay Idaacada HornAfrik isagoo kusugan Magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti, ayaa sheegay in xiligaan beesha caalamka ay si dhab ah ugu soo jeesatay xal u helida qilaafyada Siyaasadeed ee daba dheeraaday ee dalka Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mar la waydiiyay sababaha ay u dhaareedeen in ay kulmaan iyaga iyo dowladda KMG ah ayaa waxa uu sheegay in laga fogaanayay wax fashilaad ah oo ku yimaada dib u heshiisiinta.

Shariif Xassan Sheikh Aadan waxaa uu sheegay in labada gudi ee u qaabilsan wadaxaajoodka ee dowladda iyo Mucaaradka lagu wado in ay is arkaan horaanta Bisha May ee soo socota.

Wakiilka xoghayahay guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Arrimah Soomaaliya Ahmadou ould Abdalla ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu kulan siinayo dowladda KMG ah iyo Mucaaradkeeda iyadoo dalka Jabuuti ay joogaan iminka xubno ka tirsan Ururka Dib-U-Xoreynta Soomaaliya oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Isbaheysiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Mas’uuliyiinta sare ee Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo iyagana uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha Maxamed Xassan Xaad.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA SHARIIF XASSAN SH: AADAN

Source Hornafrik

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: