Daahir Rayaale Kaahin oo xilka ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, isla markaana Guddoomiye cusub u magacaabay.

Daahir Riyaale

Halkaan ka akhri

 

Madaxweynaha Soomaaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta xilka ka qaaday Barasaabkii Gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere, waxaana uu isla maanta u magacaabay isla xilkaasi Barasaab cusub.

Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland, ayaa sheeciyay in xilka laga qaaday Barasaabka Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, waxana uu sheegay in Madaxweynuhu ku macneeyey xil-ka-qaadista Barasaabka “inuu xilkaa ku wareejinayo hadba ciddii uu u arko inay hanan karto, kana soo bixi karta hawsha qaranka Soomaaliland”.

Daahir Riyaale waxaa uu u magacaabay Barasaabka cusub ee Gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Warsame (Biin).

Waxana uu ku amray barasaabkii hore inuu xilka si deh-deg ah ugu wareejiyo Barasaabka cusub, isagoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha usheegay in ay u diraan cid xilka u kala wareejisa labada Barasaab.

Warsaxaafadeedkan ayaan lagu faahfaahin sabbathien dhabta ah ee kadambeysa in xilka laga qaado Barasaabka gobolka Togdheer.

Hase yeeshee xilka qaadista Barasaabka ayaa waxay ka dambeysey Bannaanbax ballaaran oo lagaga soo horjeeday Mua u kordhinta Madaxweynaha iyo dib u dhigista doorashooyinka oo saaka ka dhacay magaalada Burco.

Bannaan baxaasi oo ay soo abaabuleen labada xisbi ee mucaaradka, UCID iyo KULMIYE, waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan barxadda hore ee xarunta gobolka Togdheer ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Burco, waxayna dadweynaha ku dhawaaqayeen halku-dhegyo ku lid ah Golaha Guurtida iyo muddada ay u kordhiyeen Daahir Riyaale oo ay caddeeyeen in aanay aqoonsanayn.

Sida ay ku soo warrameen weriyayaal jooga magaalada Burco, ayaa sheegay Barasaabka xilka laga qaaday ee Gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere iyo Taliyaha Qaybta Booliska ayaa goobjoog ka ahaa isu soo baxaasi.

SomaliSwiss Hiiraan

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: