Taariikh nololeedkii Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mukhtaar Maxamed Axmed oo loogu naanaysi jiray (Mukhtaar Cuti).

Mukhtaar Cutti

Halkaan ka akhri

Taariikh nololeedkii Ciyaaryahan Mukhtaar Cuti

April 14, 2008 SomaliSwiss 

Mukhtaar Maxamed Axmed 

Bulsho-waynta Soomaaliyeed ee ciyaaraha jecel guud ahaanba, gaar ahaan kubbadda cagta ciyaaryahannada ay sida aadka ah u xusuustaan waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Maxamed Axmed oo loogu naanaysi jiray (Mukhtaar Cuti) oo u safan jiray naadigii wakaaladda batroolka ummadda oo markii dambe loo bixiyay naadiga iskaashatada iyo xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta intaba.
Xaqiiqdii Mukhtaar Cuti waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahannadii faro ku tiriska ahaa ee ugu xirfadda badnaa dhanka kubbadda cagta ee soo mara dalkeenna Soomaaliya, waxaana daawadayaasha ciyaaraha ay isaga mara kaceen inuu Mukhtaar cuti ahaa nin Eebe u hibeeyay una fududeeyay xeeladaha ciyaarta kubbadda cagta. Mukhtaar Cuti waxyaabaha sida aadka loogu xusuusto waxaa ka mid ahaa :Isaga oo ahaa ciyaaryahan daggan, dulqaad iyo samirna isku darsaday, waxaa uu ahaa ciyaaryahan siduu doono ugu xarfadeeya kubbadda , aadna u makhsuudin jiray taageerayaashii faraha badnaa ee soo camiri jiray garoomada kubbadda cagta.
Inkasta oo uu Mukhtaar Cuti u muuqday Ciyaartooy Itaal yar , misana waxaa uu ahaa ciyaartooy ad-adag, aadna u adkaysi badan oo kubbadaha lugtiisa soo gaara aad baa loogu kalsoonaan jiray, waxaana uu khalkhal wayn ku ridi jiray difaaca kooxaha ay markaasi is hayaan. Mukhtaar Cuti waxaa uu kaalin mug leh kaga jiray xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta iyo kooxdiisa Batroolka waxaana uu magac wayn ku lahaa oo aad looga yaqaanay dalalka bariga iyo bartamaha Afrika iyo dalalka Carabtaba oo uu wacdaro badan ka muujiyay. Mukhtaar haatan waa xaas leh shan caruur ah, waxaana uu ku nool yahay magaalada Toronto, Ontario ee dalkaasi Canada.
Haddaba waxaa waraystey Somalinet Magazine oo isku soo duba-rida barnaamijkan xiddigaha taariikh nololeedkiisii isboortiga. Waraysigaasi oo aad u dheeraa ayaan ku soo koobay sidan.
Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar cuti) waxaa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hawlwadaag, sannadku markuu ahaa 1964kii.Waxbarashadiisa dugsi quraanka waxaa uu ku qaatay isla magaalada Muqdisho. Dhanka waxbarashada aasaasiga ah Mukhtaar waxaa uu dhigtay dugsiga hoose ee Hodan, Dugsiga dhexe ee 21ka November, Dugsiga sarena waxaa uu ka baxay dugsigii loo yiqiin Banaadir. Mukhtaar waxaa uu ahaa shakhsi ku barbaaray ciyaaraha, waxaana uu aad u jeclaa ciyaarta kubbadda cagta oo uu aad ugu hamiyi jiray inuu horumar wanaagsan ka gaaro, yaraantiisii marka laga soo tago kubbadda cagta waxaa kale oo uu ciyaaray ciyaarta kubbadda koleyga oo uu u saftay degmada hawlwadaag iyo ciyaarta kubbadda miiska, Sidoo kale waxaa uu ka qayb-galay tartammaddii ciyaaraha kubbadda cagta dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir isaga oo u safnaa dugsigii dhexe ee 21ka November waxaana ay ku guulaysteen kaalinta 1aad ee koobkii ciyaaraha dugsiyada dhexe. Waxaa kale oo uu ciyaaryahanku ka qayb-galay Ciyaarta kubbadda koleyga oo uu u saftay dugsiga sare ee Banaadir.
1976-1977 ayuu ciyaaryahanku fursad u helay inuu ku biiro ciyaaryahannada Heerka labaad ee naadiga Batroolka, durbadiiba xeeladihiisa ciyaareed waxay u suuro-galiyeen in loo qaato ciyaaryahannada heerka 1aad ee naadiga Batroolka oo uu muddo badan ka tirsanaa, waxaana xilliyadii uu u ciyaarayay kooxdiisa Batroolka ay ku guulaysteen kaalinta 1aad ee koobka jeneraal daa’uud iyo mar ay galeen Horyaalka dalka kaalinta 2aad.
Mukhtaar Cuti mar uu ka hadlayay waxyaabihii xusuusta gaarka u lahaa intuu ku dhex jiray ciyaaraha wuxuu sheegay inay aad u tiro badan yihiin oo uu soo joogay waayo farxadeed iyo kuwo qushuuc iyo muraal xumo intaba ku reebay waxaana uu carrabka ku dhuftay Ciyaartii ugu farxadda badnayd ee soo marta noloshiisa inay ahayd ciyaar uu u safnaa kooxda kubbadda cagta ee Horseed oo ay ka hortageen kooxda reer Masar (Al Muqaawiluun) oo ay uga adkaadeen 2 gool iyo 0, ciyaartaasi oo ka dhacday magaalada Muqdisho,hase yeeshee ciyaartaasi wareeggeedii hore oo ka dhacday Qaahira waxaa nalooga adkaaday 7 gool iyo 0.
Sidoo kale iyana waxa iigu farxad badnayd Ciyaar aan u safnaa juunyerka xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta oo nalugu hoggaaminayay 2 gool iyo 0 oo aan barbaraynay kooxdii aan la ciyaaraynay, dabadeedna ay caroodeen kooxdii kana baxeen garoonka halkaasina nalugu siiyay koobkii kaalinta 1aad.
Cayaartaasi waxa ay la cayaarayeen xulka waddanka Zanzibar, waxaana ay ka tirsanayd ciyaarihii bariga iyo bartamaha Africa oo lagu qabtay Muqdisho.

Mukhtaar iyo qaar ka tirsanaa Ciyaaryahannadii Xulka qaranka
Ka billow bidix: Nuuraddiin, Mukhtaar, Shiikha iyo Khaliif Riko

1979kii-1980 ayuu Mukhtaar u saftay markii ugu horraysay juunyerka xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta,isaga oo markii dambana ku biiray kuwa waawayn, waxaana uu ciyaaryahanku ka qayb-galay tartammo faro badan oo calami ahaa iyo kuwo Goboleed oo lagu kala qabtay Afrika iyo Carabta Sida: Masar, Sa’udi Arabia, Nayjeeriya, Kenya, Ugandha, Sudan, Marooco, Burundi, Cummaan, Yaman, Kooxihii uu la ciyaaray oo aad u faro badnaa waxaa ka mid ahaa: Al-muqaawiluun,(Masar), Abaluhia, Gormahia (Kenya), KCC (Kampala City Council-Ugandha),Al mariikh( Sudan), Burundi iyo Sanca kooxo ka socday runtii aad bay u faro badnaayeen oo ma wada xusuusan karo. 

 

 

Mukhtaar Cuti oo ka hadlayay ciyaaryahannadii uu ugu jeclaa intuu ku dhex jiray ciyaaraha waxaa uu aad u ammaanay dhammaanba ciyaartooydii kubbadda cagta ee kooxdiisa Batroolka oo uu aad u jeclaa habka ay isugu xirnaayeen, hase yeeshee xulka qaranka oo uu muddo badan ka tirsanaa waxaa uu ka xusay ciyaaryahannada ay sida wayn jaanta isula heli jireen sida: Khaliif Riko oo ka tirsanaa kooxdii Badda, Yuusuf Shaqaaq oo ka tirsana kooxdii Jeenyo(LL.PP), iyo Shaash oo ka tirsanaa Kooxda (Horseed) iyo qaar kale oo faro badan oo aan runtii aad u jeclaa ciyaartooda…… Tababarayaasha, iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed ayaa ahaa kuwo aqoontoodu ay aad uga heer sarreysay marka loo fiiriyo aqoonta ay lahaayeen tababarayaasha iyo garsoorayaasha Afrika, waxayna ahayd arrin ay ku ammaanan yihiin, Maamulka Isboortiga ayaa isaguna dadaal badan muujinayay, in kasta oo ay iska jirtay Awood yari dhaqaale haddana hawshaasi baaxadda leh oo ay qabanayeen waa mid aan ku ammaanayo, hadalladaasi waxaa ay ka soo baxeen Mukhtaar Cuti oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd aqoonta tababarayaasha, garsoorayaasha iyo maamulka isboortiga.

 

Mar uu ka jawaabayay Farqiga u dhaxeeya ciyaarihii Soomaaliya iyo kuwa haatan iyo sida lagu horumarin karo Isboortiga Soomaaliyeed waxaa uu si kooban u yiri: Farqi aad u ballaaran ayaa runtii u dhaxeeya waayo Isboortiga haatan aad buu u horumaray sida aad la socotaan gaar ahaan kubbadda cagta iyo Koleyga , waxaana marka ugu horraysa loo baahan yahay dhaqaale lagu socodsiiyo Isboortiga, garoomo faro badan oo la helo, in ciyaaraha laga soo bilaabo xagga hoose waliba dugsiyada, in sare loo qaado aqoonta Tabababarayaasha Soomaaliyeed, garsoorayaasha iyo Maamulka intaba…Arrimahan ayaad moodaa inay saldhig u yihiin in Isboortiga horumar laga gaaro. Waxaana uu talo ahaan u soo jeediyay in la joogteeyo ciyaaraha dhallinyarada yaryar si loo helo dhallinyaro waxtar leh oo dalka wax tarta, Sidoo kalena waxaa uu ku guubaabiyay dhallinyarada inay ku dadaalaan waxbarashadooda,diintooda iyo dhaqankooda.

Mukhtaar Cuti waxa uu u mahad-celiyay Tababarayaashii kooxdiisa Batroolka Maxamed Cismaan Budiiste iyo Macallin Cumar oo aqoontooda tababaranimo uu si wayn uga faa’idaystay, sidoo kale waxaa uu u mahad-celiyay dhamaanba tababarayaashii gacanta ku soo qabtay intuu ka tirsanaa xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Waxaan idinka raali gelineynaa hadii ay jiraan wax khaladaad ah amaba Erayo Khaldan MAHADSANIDIIN

Sidoo kale waxaanu idiin soo gudbin doonaa Taariikhya kale ee ku saabsan Cayaartoydii Qaranka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Abdullaahi Shuuriye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: