Kulan ka dhacay magaalada Zürich ee dalka Switzerland oo looga hadlayay Abaaraha gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Kulan ka dhacay Zurich 

Halkaan ka akhri

Waxaa markasto sharaf weyn inoo  ah inaan uga mahadceliyo dadka soomaliyeed oo marwalbo daacada ey ka tahey xal u helida dhibaatda ku habsatey ummada soomaliyeed. Anagoo aaminsan go’aankii taariikhiga ahaa ee Beesha Ceyr Habargidir ku taagertay dhibaatooyinka Abbaraha sidey wax uga tari lahayd  sida idaacadaha aduunka oo ku xaqiijiyey ulujeedadiisa dhabta ah ee ku raadinayo horukac bulsho weynta soomaliyeed.

 

Haddi ay bulsho mudan tahey horumar waxaa mudan bulshada Soomaaliyeed Waxaan rajeyneyaa in soomalidu ay mar garan doonto qiimaha nolosha bani’aadmiga ay ku fadhiso, iyadoo la fiirinaayo nabad jeceelkeeda, wada noolshaheeda iyo isku duubnideeda, diin jeceelkeeda.

 

Beesha Ceyr Habargidir ee ku sugan dalka Switzerland, iyagoo ka Jawaabaya fariintii uga timid Guddiga Abaaraha ee gobalada dhexe, ayaa waxay maalintii AXADA 13,04.2008 shir degdeg ah ku yeesheen Magalada Zürich ee dalka Switzerland.

 

Haddaba si dhibka ka jira Goobaha Abaartu waxyeeleeysay waxay Beeshu Ceyr ee deggan Switzerland gudoonsatay  in si degdega wax loogu taro dadka dhibta ka soo gaartay Abaaraha, waxayna xiriir toos ah la sameeyeen odayaasha degaanada Beesha ee gobollada dhexe si ay u taargeeraan.

 

Shacabka Beesha Ceyr ee deggan Switzerland ay si degdeg ah u direen lacag deeqa oo dhan 1400 $ oo Dollarka Mareykanka ah wax loogu qabto dhibta degdega,ee Abaaraha ayna sii wadi doonaan gargaarka ay u fidinayaan Ehelkooda.

 

Ugu dambeyntii shirka Beesha, waxaa lagu doortay guddi u howlgala howshaa xiriiriyana walaalaha kale ee habargidir ee la deggan Kantoonada dalka Switzerland, waxaana Gudoomiye Loogu Doortay Abdulahi Abdi Tiriig(Abdulahi Dheere) Ku xigeen Yusuf Guuleed (Yusuf shino) Lacag haye Omar Muuse Tarabi,iyo xubno kale oo xiriiriya  Kantoonada dalka Swisska iyo Soomaaliya

 

 

 Baaqa Guddiga Abaaraha ee Beesha Ceyr ee Gobollada dhexe.

 

 

 Abaaro xoogan ayaa laga soo tabinayaa inay ka jiraan deegaano ka mid ah Gobolka Gal Guduud kuwaasi oo ay xoolaha iyo doonyaduba gaadheen meel xun oo aad khatar u ah,meelaha ugu badan ee laga soo qalinayo ayaa waxa ka mid dhulka miyiga ah ku hareeraysan magaalooyinka, deegaankaasi ayaan in mudo ah wax roob ahi helin.

Dadka ayaa arintaasi ku micneeyaay in ay ka dambeysay kadib markii la waayay xooluhu daaq ay daaqaan iyadoo labadii sano ee ugu dambeysay aysan gobolku kadi’in wax roobab ah oo la taaban karo, deegaankaasi ayaa waxa ku yar dhulka biyaha kaydiya ama loo yaqaan baraaga ah.

Qaar ka mid ah wax garadka Deegaanka Galguduud ayaa warbaahinta la soo xidhiidhay waxayna sheegeen inay deegaankaas oo idil ay ka jiraan Abaaro xoogan kuwaas oo ay dadka qaarkiis qarka u saaran yihiin inay Biyo la”aan la dhintaan,waxay kaloo sheegeen inay jiraan Boqolaal qoys oo ah reer guuraa kuwaasi oo ay xoolahoodii aafeeyeen Abaaruhu.

Odayaashaasi waxay kaloo sheegeen in Hay”adda ah ku shaqule arimaha deegaan ay arintaasi wax ka qabtaan sida ugu dhakhsiin yaha badan si looga badbaado Abaarahaasi xoogan,waxay leeeyihiin ma jiraan cid taakulaysay dadkaasi ama ka gacan qabatay dhibaatooyinkaasi soo food saaray.

Dhanka kale dadka deegaankaasi waxa intaasi u sii dheer Cudurka shuban biyoodka oo fara baas ku haya dadka deegaankaasi ku nool, goobaha caafimaadka oo aanu xidhiidh la samaynay ayaa waxay noo sheegeen in horaatnii bishan la soo gaadhsiiyay dad aad u fara badan kuwaasi oo la il daran Cudurka dilaaga ah ee Shuban Biyoodka loo yaqaan.

“Xiliga Ayaa Ah xiligii roobka waxan eebe kabaryeena in Ummadiisa waraabiyo ilaaha gacan weeyne”.

Mustaf Bashir gobdon

Somaliswiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: