Eritrea oo uga digtay dowladda Ethiopia, hadii ay isku daydo xadgudub dhulkeeda ah in ay ka jawaabi doonto.

Digniin dagaal

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanayo magaala madaxda dalka Eritrea ee Asmara, ayaa wuxuu sheegayaa in Dowlada Eritrea ay uga digtay xukuumada cadowgeeda ah ee Ethiopia in shacbiga Eritrea iska difaacayso, kana hor’taagayso isku day kasta oo ay Ethiopia ku doonayso inay dagaal ku soo qaado dhul ay leedahay Eritrea; warkan ayaa yimid ka dib markii xukuumada Adis Ababa ay ku boorisay Qaramada Midoobay inay go’aan adag ka qaadato dowlada Eritrea.
Si kasta ha ahaatee waxaa mar labaad dib u soo laabtey eedaymaha ay dowladaha Eritrea iyo Ethiopia isweydaarsanayaan ee la xiriira muranka xuduudeed, kaasoo keenay in ay ku dagaalamaan labada wadan oo kuwada yaala Gobolka geeska afrika sanadihii 1998 iyo 2000 kaas oo keenay in ay ku geeriyoodaan askar gaaraysa 70 kun oo labada dhinac ah.

Balse Wadamada iyo dadka u dhuun duleela murunka u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya ayaa ka cabsi qaba in isku dhac yar oo aan macno lahayn uu keeno in ay mar labaad dib u soo cusboonaadaan Dagaal Kharaar oo dhex mara labadaas wadan.

Ha yeeshee Dowlada Eretrea ayaa qoraal lagu daabacay wargeyska lagu magacaabo “Eritrea Profile” ku sheegtay in haddii dagaalkii Eritrea uu ahaa mid dhib badan maanta waxa uu noqonayaa mid lama filaan ah.

Dhinaca kale dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay looga fadhiyo in ay ciqaabto dowlada Eritrea ka dib markii ay ka goysay sahaydii shidaalka ee ay isticmaali jireen Ciidamada nabad ilaalinta ee caalamiga ah taas oo keentay in ay isaga baxaan ciidamadaasi dhulkii Eritrea ee ay ilaalada ka hayeen.

Warku wuxuu intaa ku daray in Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon uu sheegay Toddobaadkii la soo dhaafay in dagaal cusub uu ka dilaacayo Ethiopia iyo Eritrea , haddii ay Ciidamada nabad ilaalintu ka baxaan xuduuda u dhaxeysa labadaasi wadan.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia ayaa Bayaan uu soo saaray ku sheegay“ waxa ugu yar ee laga filayo Golaha Amaanka xiligan waa in uu si xoogan ugu eedeeyo Eritrea ku tumashada cunaqabataynta ay ku soo rogtay Ciidamada nabad ilaalinta isla markaana ay dib uga laabato dhamaan falalkaasi ay ku dhaqaaqday Eritrea”.

Ugu dambeyntii bayaanka ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay ka codsanaysaa Golaha Amaanka iyo Xoghayaha guud ee Q.M in aysan Eritrea mar labaad ka baxsanin cuquubaha lagu soo rogay, taasoo keenaysa in ay siday doonto ugu dhaqdhaqaaqdo xuduuda”.

 

SomaliSwiss  Asmara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: