Dad Ajaanib ah oo xalay lagu dilay magaala madaxda Gobolka Hiiraa ee Beledweyne.

Beledweyne

Halkaan ka akhri

Warar goor dhaweyd la faafiyey qaar ka mid qalabka warbaahinta caalamka ayaa sheegaya in 4 qof oo ay laba ka mid ah ahaayeen dad shisheeye ah ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu cagaha wax ka dayey ee uu cararay guddoomiyaha gobolkaasi Yusuf Axmed Hagar dabadeed.

Hase yeeshee weerarkaan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, kadib markii kooxaha ka soo horjeeda siyaasadda dowladda kmg ah ay si lama filaan ah u galeen gudaha Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.halkaasoo ay ku weerareen goobo kala duwan oo uu ka mid  yahay hoyga guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

 

Sida la sheegay Kooxahaan ayaa gubay saldhiga degmada Baladweyne iyagoo halkaasina maxaabiis ka sii daayay. Kadibna ay galeen dugsi ku yaala degmadaas ayna halkaas ku dilay 4 qof oo Saddex ka mid ah ay yihiin ajaanib ah, waxayna u kala dhasheen laba dalka Britain (Uk) iyo  Hal Kenyaan ah.

 

 Weerarka kooxaha wax iska caabinta ayaa la sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada cadowga Ethiopia oo shalay galab isaga guureen dhinaca deegaanka janta kundishe iyadoo dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu isna isaga baxay gudaha degmada Baladweyne shalay galinkii dambe inkastoo aan la ogeyn sababaha keenay inuu guddoomiyuhu Ka baxo baladweyne.

 

Kooxaha hubeysan ee qabsaday xalay degmada baladweyne ayaa gubay dhowr gaari oo yaalay saldhiga booliska degmada baladweyne iyo hoyga guddoomiyaha gobolka.

 

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Arwaax ibraahim cabdi ayaa la sheegay inay ka mid ahayd xubno shalay is casilay jagadii maamulka Gobolka.

 

SomaliSwiss  Beledweyne

 

SomaliSwiss@hotmail.com 

%d bloggers like this: