Waraaqihii loo gudbiyay Baarlamaanka Swiss-ka ee ku saabsanaa Mudaaharaadkii sharciga (F)-ta looga doodayay iyo Mahad celin ku socota…

AKHRI WARAAQAHA

Halkaan ka akhri

Waraaqihii loo gudbiyay Baarlamaanka Swiss-ka ee ku saabsanaa Mudaaharaadkii sharciga (F)-ta looga doodayay iyo Mahad celin ku socota dadweynihii kasoo qeyb galay Mudaaharaadkaasi.

Abaabulayaashii mudaaharaadkii ka dhacay (Bundsplatz) Baarlamaanka Swiss-ka hortiisa 3/4/2008 ee Bern, waxay dhammaantood halkan mahad celin ballaaran uga soo jeedinayaan dhammaan dadwaynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, sidii qiimaha badneyd ee sharaftuna ku dheehneed ee ay uga soo qayb galeen Banaanbixii waynaa ee ay ku dalbanayeen in ay ku helaan xuquuqdoodii qaxootinimo.

Waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinaynaa waraaqihii dacwadeena ahaa ee loo gudbiyey madaxdii Baarlamaanka Swiss-ka, kana koobnaa waraaqo afar bog ah waana kuwan waxeyna u qornaayeen sida tan:-

 

 

 WARAAQAHA KORKOODA RIIXA SI AAD U AKHRISATAAN

 

1234

 

Wixii jawaab ah ee naga soo gaara Baarlamaanka Swiss-ka ee ku saabsan Mudaaharaadkii aan sameynay hadii alle idmo waxaan idiin kugu soo gudbin doonaa sida aan hadda idinkugu soo gudbinay Website-ka SomaliSwiss iyadoo aan sidoo kale u gudbin doono dadkii wax ka abaabulay Mudaaharaadka ee ku kala nool 26-ka gobol ee Swiss-ka.

MAHADSANIDIN

Gudiga qaban qaabada Mudaaharaadka

SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: