Wafdi ka socda isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Sheikh Shariif Sh. Axmed oo maanta tagay dalka Jabuuti.

Sheikh Shariif

Halkaan ka akhri

Qalabta Warbaahinta dalka Jabuuti ayaa waxay ku soo warrameen wafdi ka socda Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha Ururka Isbahaysiga Dib u Xoreynta  Sheikh Shariif Sheikh  Axmed, wafdigan ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kula yeeshaan magaalada Jabuuti wafdigii ka socdey golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye.

 Wafdiga isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee maanta soo gaaray dalka Jabuuti ayaa waxa imaanshiyahooda xaqiijiyey Axmed Diiriye oo ah afhayeenka golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye xilli uu waramayey qaar ka mid ah saxaafada magaalada Muqdisho.

 Kulmada dhex mari doono labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay uga wada hadlaan xaalada hadda uu marayo dalka Soomaaliya iyo isbedelada siyaasadeen ee ku soo kordhey siyaasada dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wadahado iyo heshiisyo dhex mara Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia iyo isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Hase ahaatee kulamada ay yeelanayaan golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye iyo wafdiga ka socda isbahesiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxa loo maleeyaa in isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu wadatashi ku aadan sida loo wajahayo heshiisyada iyo kulamada dhex mari doona isbaheysiga iyo Dowladda KMG ah kala yeesho xubnaha ka socda golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee ku sugan dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxa shaley tagey dalka Jabuuti wafdi ka socda golaha Dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle,balse ma jiraan warar ilaa iyo hadda soo baxey oo sheegaya in ay golahaas la kulmi doonaan wadiga isbageysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyo in kale.

Si kasta ha ahaatee Kulmada uu isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu kula  kulmaayo dalka Jabuuti qaar kq mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxa ka horeeyay kulamo uu horey kula soo qaatay dalka Keyna xunbo ka tirsan Mudowga Yurub, beesha caalamka oo ay ka mid yihiin safiiro iyo ergeyga gaarka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Soomaaliya, oo ay dhamaantood ka wada hadleen sidii wadahadlo iyo heshiid u dhex mari lahaa Dowladda KMG ah iyo isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

SomaliSwiss Jabuuti 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: