Mas’uuliyiinta Golaha Dhaqanka Hawiye oo Maanta kulan Jabuuti kula leh Guddoomiyaha Isbahaysiga Shiikh Shariif .

Golaha Dh. Hawiye

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaarayaa  magaala madaxda dalka Djubuti ee Jabubuti ayaa sheegaya in Golaha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye oo dhawaan Socdaal shaqo ku tegay dalka Jabuuti ay bilaabay kulamo kala gedisan oo ay laleeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan isbahaysiga Dib Uxoraynta Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalad Asmara.

 

 Waxaa warkan laga soo  waryey Afahayeenka dhinaca Siyaasada Beesha Hawiye C/laahi dheere wuxuu  daboolka ka qaaday in Maanta ay la kulmayaan Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya.

Sida la filayaa waxay labada dhinac ay  is-weydaarsanayaan xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo sida loo dhaqaajin karo Dib U heshiisiinta.

Balse Max’ed Xasan Xaad oo ah gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Hawiye ayaa isna carrabka ku dhuftay in Golahoodu ay soo dhaweynayaan cid kasta oo wax ka bedeli karto Siyaasada Cakiran ee dalka Soomaaliya, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goob joog ka ahaan doono Kulanka dhaxmarayo Shiikh Shariif iyo Golaha Dhaqanka

SomaliSwiss Djabuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: