Dowladda Faransiiska oo Qaramada Midoobay ugu baaqday in la sameeyo Ciidamo Caalami ah oo ilaaliya Xeebaha Soomaaliya

 

Francois Fillon

Halkaan ka akhri

 Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Faransiiska Francois Fillon ayaa ku Baaqday in la sameeyo Ciidamo Caalami ah oo ka socda Q.M kuwaas oo ka hor tagaya Burcad Badeedda ka jirta xeebaha Soomaaliya ee afduubanaya Maraakiibta iyo doomaha isticmaala xeebaha dhulka soomaaliya.

 Mr. Francois Fillon,ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay caasimada dalka Japan ee Tokiyo “tani waa mid ka mid ah marinada ugu horeeya ee loo marayo howl-galada Ciidamada ay ku fulinayaan Burcad Badeeda”

 Hase ahaatee Ra’iisul wasaaruhu wuxuu intaa ku daray “waxaan codsanaynaa in la dhiso ciidamo caalami ah oo hoos taga Qaramada Midoobay,dowlada faransiiskana waa dalka ugu horeeya ee diyaarka u ah in ay ka qeyb qaadato, waxayna noqonaysaa shaqadooda ilaalinta marinada biyaha ee Gobolka, gaar ahaan marinka MALQA oo u dhaxeeya Maleesiya iyo Indoniisiya”.

Dhinaca kale Jean-David Levitte oo ah la taliyaha Madaxweynaha dalka faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa sheegay in faransiisku uu go’aansaday isbuucan hor dhigto qorshaha ciidan sameynta dowlado badan oo xubno ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay si looga hor tago ayuu yiri Burcad Badeeda ka jirta Xeebaha Soomaaliya.

 SomaliSwiss Baris AFP
%d bloggers like this: