Qaramada Midoobay
Halkaan ka akhri
Warka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa si aad uga deyrisay xaaladaha adaga ee la xiriirta dhinac bani aadamnimada ee Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen in ay la xiriiraan abaaraha, amaan darada iyo waliba sicir bararka cirka isku sii shareeraya.
Bayaan oo shalay ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in ay kor u sii kacayaan dadka shacabka ah ee ka sii barakacaya gudaha Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen in ay u baahanyihiin kaalmooyin deg deg ah oo ay ka helaan Qaramada Midoobay.
Qoraalka wuxuu intaa ku daray in tirada guud ee u baahan kaalmooyina deg deg ah ay gaareen 1.8 malyuun oo qof iyada oo tiraduna ay tahay mid kor u sii dhaafaysa 2 milyan ka dib marka ay dhamaato qiiman wali socota.
Waxaa sidoo kale Bayaanka uu daboolka loogu qaaday in Soomaaliya ay ka jiro abaar aad uu xun, iyadoo heer kululka uu gaaray meel aad u saraysa, taasoo wadata dabaylo aad u dheyreeya.
Qoraalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ay sheegeen in Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ay mar labaad sii barakicinayaan shacabkii Soomaaliyeed ee horay uga soo barakacay dagaalladii magaalada Muqdisho, kuna sugnaa daafaha Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
 SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: SomaliSwiss |
You must be logged in to post a comment.