Ergo xaqiiqo raadin ah ee ka socota Golaha Amaanka ee Q.M oo socdaal ku mari doono waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay.

https://i0.wp.com/www.southafrica-newyork.net/pmun/main.JPG

 Dumisali Kumalo

Halkaan ka akhri

Wafdi ka socota Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay socdaal xaqiiqo raadin ahi ku tagaan bisha soo socoto 5 wadan oo ka mid ah Qaarada Afrika.

Ergayga dowladda K/Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay Dumisali Kumalo ayaa ah qofka e looga dhigay inuu hogaamiyo ergadan, ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeeshay dhigiisa dalka ingiriisa John Sawiris waxa uu sheegay in socdaalkooda la qorsheeyay in uu bilowdo 31 bishan isla markaana uu soo idlaado 10 bisha soo socota.

Ergadan ayaa socdaalkooda xaqiiqo raadinta ahi ku maraya wadamada:- somaliya,suudaan,Jaad,Afarikosti iyo Kongada dimuqraadiga.

Mr.Kumalo ayaa carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la booqdo Soomaaliya, inkastoo Hay’adaha Amaanka ee Q.M ay ka gaabsadeen tagida Soomaaliya sababo la xiriira dhinaca amaanka oo aan daganayn.

Balse arrintani ayaa imaatay iyada oo 8 bishan fal Shahiidnima ah lala beegsaday Ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya ee gacan siinaya Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.

SomaliSwiss New York

%d bloggers like this: