Warbixin dheer oo laga soo saaray qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee loogu geystay dalka Soomaaliya ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah.

Warbixin dheer

Halkaan ka akhri

 

Warbixino Heyadaha Mareykanka iyo Reer Yurub soo saareen ayaa lagu sheegay Qasaarooyinkii Soo gaaray gumeysiga Ethiopia iyo maleeshiyaadka dowladda KMG ah labadii Sanadood ee ay dagaalka kula jireen xoogagga Maxaakiimta Islaamka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay dhimashada ciidamada gumeysiga Ethopian-ka ugu yaraan illaa (3059) Sadax kun konton iyo sagaal Askari halka maleeshiyaadka somalida lagu sheegay 1409 kun afar boqol iyo sagaal askari.

Waxaa dhowaan soo baxay warbixin dheer oo ay soo saareen hey’ado Mareykan iyo Yurub isugu jira oo aad ugu dhuun daloola arimaha Soomaaliya ee ay dowladda Ethiopia ka waddo.

Warbixintan ayay ku sheegeen  khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa Maleeshiyaadka Soomaalida ah ee la shaqeeya.

Shabakada wararka Arabonline ayaa ka soo xigatay ilo wareedyo ay leeyihiin Maraykanka iyo reer Yurub  khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray ciidamada gumeysiga  dowladda Ethiopia ee iyagu ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya

Warbixintan  ayaa sheegeysa in Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ay sanadkii 2007  ku qaadeen ciidamada Ethiopia illaa 241 weerar, isla markaasna ay fuliyeen 6 howl gal oo  nafhurid ah  iyagoo adeegsanayay Baabuurta laga buuxiyey walxaha qarxa.

Waxaa kaloo intaasi ay ku dartay warbixintu in Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed  hubka ay ku dagaalamayaan ay ka furtaan ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah mararka ay ku weeraraan xarumahooda.

Warbixinta ayaa sheegtay in sanadkii 2007-da laga dilay Maleeshiyaadka dowladda KMG ah illaa 1409 askari, isla markaasna laga dhaawacay illaa 3278 askari.

Tirada laga dilay ciidamada gumeysiga Ethiopia ayey warbixintu ku sheegtay isla sanadkaasi illaa 3059 askari. Halka dhaawaca ay ku sheegtay 7492 askari, intaasi waxa ay ku dartay warbaxintu in ay ku guuleysteen Xoogaga Muqaawamadu in ay kasbadaan Qabaa’ilada  iyo dadka shacabka ah ee Soomaliyeed, waxaana ay isku faafiyeen Muqaawamada ayey tiri warbixintu Koonfurta Soomaaliya iyaga oo adeegsanaya kaarto dagaal oo ah kudhufo oo ka dhaqaaq.

Warbixintan ayaa xustay in Maraykanku ka walaacsan yihiin hadal hanjabaad ah oo kaga yimid dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-Shabaab, taasoo sheegaysa in ay  diyaarinayaan weeraro ay ku qaadaan danaha Maraykanka, waxaa kaloo ay sheegteen Al-Shabaab in ay mas’uul ka ahayeen diyaarad nooca wax basaasta ah oo ku soo dhacday 29 Maarso 2008-da  duleedka magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose.

Wargeyska Sharqal awsat  ee kasoo baxa magaalada London ayaa ka soo xigatay xubin ka tirsan kongareska Mareykanka in uu ka digay weerarada ay dowladda Maraykanka ku qaadeeyso dadka rayidka ah, waxaana  uu sheegay isla ninkaasi in ay sii kordhineyso awooda Islaamiyiinta marba marka ka danbeyso.

Si kastaba ha ahaatee dadka aqoonta  u leh arimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Xoogaga Muqaawamadu ay inta badan la wareegeen Koonfurta dalka Soomaaliya isla markaasana ay sii kordheyso awoodooda ayna suurta gal tahay waqti aan saas u sii fogeyn in ay la wareegaan dhamaan koonfurta dalka Soomaaliya iyaga oo ilaa hada uga adkaaday ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG, gobolo ay ka mid yihiin J/Hoose, J/Dhexe, Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Banaadir, Hiiraan Iyo Galgaduud.

SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: