Diyaaradaha Dagaalka ee dalka Faransiiska oo duqeeyn u geystay Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee af-duubtay Dalxiisayaashii Faransiiska.

https://somaliswiss.files.wordpress.com/2008/04/burcad-badeed-weerar.jpg

Duqeyn

Halkaan ka akhri

Burcad Badeedkii Soomaalida ahaa ee maanta gacantooda laga sii daayay Dalxiisayaashii u dhashay Dalka Faransiiska ayaa lagu soo waramayaa in galabta ay duqeeyeen Diyaarado dagaal oo ka soo duulay Markab Dagaal oo Ciidamada Badda Faransiiska ay leeyihiin.

Duqeyntaas ayaa ka dhacday meel 25km Waqooyi Galbeed kaga aadan deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa ku geeriyooday dad aan tiradooda la xaqiijin oo isugu jiray kooxihii Burcad Badeedka ahaa iyo dad rayid ahaa oo ku sugnaa Xeebta Garacad, walow ay jiraan warar sheegaya in ay duqeyntaas ku dhinteen dad kabadan illaa 10 ruux.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Puntland Daahir C/qaadir Daahir Aflaw, ayaa sheegay in ay kooxaha Burcad Badeedka ay duqeeyeen Diyaarado Dagaal oo uu leeyahay Faransiiska.

Diyaaradahaas oo weeraray kooxaha Burcad Badeedka kadib markii ay qaateen lacag madax furasho ah oo la siiyay maanta ka hor intii aysan sii deynin Doontii Le Ponant iyo 30 Dalxiisayaal ahaa oo ay maalmahan afduub ku heysteen.

Waxaa uu intaasi ku daray Guddoomiyaha in ay Ciidamada Faransiiska dib u ceshadeen lacagtii ay madax furasha ahaanta u bixiyeen kadib markii ay duqeeyeen kooxihii Burcad Badeedka ahaa.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa wuxuu maanta shaaciyay in si nabadgelyo ah loo sii daayay Dalxiisayaashii Faransiiska u dhashay ee lagu heystay Xeebaha Soomaaliya, isla markaana uu mahadceliyay Ciidamada Faransiiska iyo cid kasta oo gacan ka geysatay sidii loo sii deyn lahaa Muwaadiniinta Faransiiska ee afduubka lagu heystay meel ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay dowladda Faransiiska ayaa Ciidamo badan u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan in Doon ay saarnaayeen Dalxiisayaal Faransiis ah lagu afduubtay Gacanka Cadmeed (Gulf Aden), kadibna lala aaday dhinaca Xeebaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: