Warsaxaafadeed ay soo saareen Odayaasha dhaqanka Hawiye oo ay ku Cambaaraynayaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Odayaasha Hawiye

Halkaan ka akhri

Ref GDH&MBH0079 Date 10/04/2008
Warsaxaafadeed

 

Shir ay maanta isugu yimaaden Golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye oo ay kaga hadleen arimo dhowr ah gar ahaan dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho oo dib looga barakiciyay goobihii ay u qexeen.

Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye wuxuu cadaynayaa in Ciidamada Itoobiya ee horey uga barakiciyay shacabkii daganaa magaalada Muqdisho ay hadana doonayaan inay sii barakiciyaan shacabkii ku dhibaataysnaa Daafaha magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo dhufaysyo ka samaystay goobihii ay dadku u barakaceen, islamarkaana ay doonayaan inay ka sii barakiciyaan goobihii ay Maciinsadeen inay ku badbaadaan.

Hadaba Xukuumada TFG da ee uu Hogaamiyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ay horey ugu dhawaaqday dib u heshiisiin waxaan ugu baaqaynaa in aan lacarqaladeyn arimaha dib u heshiisiinta lagana ilaaliyo wax alla wxii arqalad ku keeni karo sida shacabka oo labarakiciyo, annagoo agsoon in Itoobiya iyo Xubno ka tirsan TFGda aysan raali ka ahayn dib u heshiisiin ka dhalata gayiga Soomaaliya.

Ka dib markii Golaha uu ka dooday dadka Soomaaliyeed ee ku xir xiran Wadamada Caalamka gaar ahaan wadamada Suudaan, Tanzaaniya, Liibiya IWM waxaan ugu baaqaynaa wadamadaas anagoo u hayna wanaag in dadka Soomaaliyeed oo aan xiligaan lahayn dowlada u naxaysa xabsiyada ay ku jiraan laga siidaayo.

Ugu danbayntii Goluhu waxuu ugu baaqayaa Beelaha ku dagaalamaya Gobalada Dalka qaar kood sida Gobalka Sh/Hoose iyo Gedo inay dagaalka joojiyaan islamarkaana wadahadal iyo is afgarad wax ku xalistaan.

Maxamed Xasan Xaad
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: