Wafdigii uu hogaaminayay Ra’isal Wasaare Nuur Cade oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

RW. Nuur Cade

Halkaan ka akhri

Wefdi uu hogaaminayay RW. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa maanta kusoo laabtay Magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo tagay Jamhuuriyadda dalka D-Jibouti.

Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Nuur Cade ayaa sheegay in dalka jabuuti ay u tageen ujeedo markii hore aysan ahayn in ay la kulmaan Odoyaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye iyo waliba xubnaha Ururka Dib-U-Xoreynta Soomaaliya.

RW. Nuur Cade waxa uu sheegay in Odoyaasha Hawiye ay horay ugu kulmeen magaalada Muqdisho, isla markaana wax yaabihii ay ka hadleen isku afgarteen gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

RW. Nuur Cade waxaa wehliyay ku-xigeenkiisa ahna wasiirka warfaafinta dhalinyarada iyo Ispoortiga Axmed C/salaam Xaaji Aadan iyo wasiirka maaliyada Maxamed Cali Xaamud.

Wefdigan uu hogaaminayay RW. Nuur Cade ayaa waxa ay socdaalo kala duwan ku soo mareen dalalka Sucuudiga / Emaraatka / D-Jibouti iyo dalak Kenya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

%d bloggers like this: