Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo cafis u fidiyey gudoomiyihii Maxkamadda Sare Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Sheegow.

Gud. Yusuf C/ Haaruun

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowladda KMG C/llaahi Yuusuf Axmed uu cafis u fidiyey gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxmaed Nuur Sheegow.

Sida ay u sheegeen saxaafada qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka KMG ah, ee ku sugan magaalada Baydhabo oo maalmihii ugu danbeeyay ku howlanaa sidii loo sii deyn lahaa labadan nin, ayaa sheegay in saacadaha soo socda la sii deyn doono, xuriyadooduna ay dib u heli doonaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegow ayaa muddo Sideed bilood ah waxa ay ku xirnaayeen xabsi, iyada oo loo heystay in ay lunsadeen hanti lacageed oo loogu talo galey shaqaalaha Garsoorka Maxkamada Sare, iyada oo si gaar ah loogu eedeeyay Gudoomiyaha Maxkamadda SareYuusuf Cali Haaruun in uu ku dhex jirey sharci lagu kala goynayo gobolada Koonfur iyo Waqooye ee Soomaaliya.

Cafiskan uu maanta Madaxweynaha dowladda KMG C/llaahi Yuusuf, uu u fidiyay gudoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf Cali Haaruun iyo garsoore Maxamed Nuur Sheegow, ayuu shardi uga dhigey sii deyntooda in wax xil ah ayna ka qaban karin dowladda KMG ah.

Cafiskan ayaa sidoo kale ku soo aadayaa iyadoo muddo laba jeer ah dacwadooda la hor keenay Maxkamda Sare iyo tan Racfaanka, dibna loogu celiyey xabsiga ka dib markii la isku raaci waayey xukunkii lagu ridi lahaa.

Xiritaanka gudoomiyaha Maxakamada Sare iyo Garsooraha, oo ay wakhtigan ka soo wareegatey muddo 8 Bilood ah, ayaa waxa ay sal dhig u aheyd khilaafkii xooganaa ee soo kala dhex galey C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geedi oo keentay markii danbe in xilka laga qaado Cali Geedi, ayaan hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee cafiska uu ugu fidiyey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 SomaliSwiss Baydhabo

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: