Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo mar kale la wareegay gacan ku haynta Magaalooyinka Jowhar & Mahadaay ee xarunta gobalka Sh/dhexe.

Xoogagga MMI

Halkaan ka akhri

Xoogagga Maxaakiimta Islaamiga ayaa saaka mar kale la wareegay gacan ku heynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe, dagaal xoogan kadib.

Xoogagga Maxkamadaha Islaamkiga ayaa saaka gudaha u galay Magaalada Jowhar, iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah maleeshiyaadkii Maamulka degmada Jowhar.

Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga ayaa xiray dhamaan Isgaarsiinta magaalada Jowhar iyaga oo haatan ku sugan xarumahii maamulka Jowhar uu ka deganaa, iyadoo ay degan tahay xaalada Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Sh. C/raxiim Ciise Cadow ayaa sheegay in ay degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ku qabsadeen dagaal la’aan ka dib markii ay ka carareen maamulkii u shaqeynayay Dowladda KMG ah.

Ilaa hada lama oga halka uu ka baxay gudoomiyihii degmada Jowhare Max’ed Cumar Deele iyo ku xigeenkiisa Axmed Cumar Xabeeb (Jandhaay) iyadoo xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ay gubeen gaari uu lahaa ((Jandhaay) oo uu ka cararay inti aan laqabsan magaalada Jowhar.

SomaliSwiss Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

%d bloggers like this: